Madaxweynaha DFS oo la kulmay Wasiiradda Horumarka & Xiriirka Caalamiga ee Sweden

September 4, 2013 - Written by Editor

IMG_1799

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud ayaa manta kulan Muqdisho kula qaatay Wasiiradda Horumarka iyo Xiriirka Caalamiga ee dalka Sweden Gunilla Carlsson oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, shirka Brussels ka dhacaya 16ka September, arrimaha qurbo-joogta Soomaaliyeed ee dalka Sweden iyo arrimo kale.

Madaxweynaha Waxaa kulankan ku wehliyey Ku Simaha R’aiisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Marwo Fowzia Yusuf Haji Adam, Wasiiradda Garsoorka, Gaashaandhiga iyo Arrimaha Gudaha. Dhanka kale Wasiiradda waxaa ku wehliyey Ergeyga gaarka ah ee Geeska Afrika iyo Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya.

Madaxwenaha ayaa Wasiiradda Swedan uga mahadceliyey imaatinkeeda Muqdisho iyo sida ay dowladda Sweden u garab taagan tahay Soomaaliya iyo weliba Soomaalida qurbojoogta ku ah Sweden. Madaxweynaha ayaa Wasiiradda siiyey warbixin kooban oo la xiriirta xaaladda dalka iyo qorsheyaasha dowladda ay hiigsaneyso 2016 iyo shirka Brussels. Madaxweynaha ayaa sheegey in shacabka Soomaaliyeed ay aad ugu hanweynyihiin shirka Brussels inuu noqdo mid caalamku ay ku midoobaan sidii dalka Soomaaliya dib-u-dhis xoogan loogu sameyn lahaa. Isla markaana uu ka codsaday Sweden inay kaalin fiican ka qaataan shirkaas.

Wasiiradda Sweden ayaa sheegtay in Dowladda Sweden ay ka go’antahay saacidaada Soomaaliya oo ay tiri waxaan rabnaa inaan noqono laba dal oo ka wada shaqeeya sidii Soomaaliya ay u noqon laheyd dal nabad ah oo shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahayeen amni waara iyo horumar. Wasiiradda ayaa Madaxweynaha uga mahadcelisay sida uu dumarka u siiyey jagooyin siyaasadeed oo lagu faani karo. Wasiiraddu waxey caddeysey inay ka soo qeybgaleyso shirka Brussels isla markaana ay Dowladda Sweden ka mid noqon doonto waddamada yabooha sameynaya oo taageeraya dib u dhiska Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Wasiiradda oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa labadaba ku sheegeen sida Soomaaliya iyo Sweden ay uga go’antahay inay ka wada shaqeeyaan horumarka, nabadeynta iyo dimoqraadiyeynta Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaarisay qorshihii lala hortagi lahaa Brussels ee dalka dib loogu dhisi lahaa kana codsaday Sweden iyo caalamka inay qorshahaas meel marintiisa nagula garab galaan si dalka Soomaaliya uu horumarka bilowday u sii joogteeyo.

– DHAMAAD –
Abdirahman Omar Osman
(Eng. Yarisow)

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online