Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Beledweyn

September 8, 2013 - Written by Editor

Hiiraan:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa goordhow ka degay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyn waxaana halkaas si weyn ugu soo dhaweeyey mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan saraakiil ka tirsan ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM.

Wafdiga Madaxweynaha DFS ayaa waxaa socdalkiisa ku weheliyey wasiir ku-xigeenka wasaarrada arrimaha gudaha Jaamac Maxamed Axmed , taliyaha ciidamada DFS Daahir Aadan Cilmi, taliyaha booliska DFS Jen.C/xakiin Daahir Siciid iyo taliyaha ciidamada nabad-sugida Bashiir Max’ed Jaamac iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii uu gaaray garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyn waxaa uu la hadlay warbaahinta waxaana uu sheegay in uu Baladweyne u yimid in uu la kulmo waxgaradaka isaga oo sheegay in uu caawa sii joogi doono magaalada Baladweyne.

Amaanka magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa si weyn loo adkeeyey waxaana meel walba taagan ciidamo ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online