Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Jowhar.
September 9, 2013 - Written by EditorJowhar:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow safar dhinaca dhulka ah ku gaaray degmada Balcad isaga oo ku sii jeeda magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe. Madax wey naha DFS Xassan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu ku hakaday Buundada Balcad, halkaasoo dadweyne fara badan ay ku soo dhaweeyeen iyaga oo watay calanka Soomaaliya iyo caleemo qoyan.
Waxaa si weyn loo adkeeyey amaanka wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar waxaana wadooyinka la soo dhoobay ciidamo ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM.Wararka ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya Gobolka Sh./Dhexe ayaa sheegaya in Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud uu gaaray magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe.
Madaxweynaha DFS ayaa waxaa magaalada Jowhar ku soo dhaweeyey maamulka Degmada Jowhar dadweyne faro badan , saraakiil ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM .
A/Cawale
Halgan.net