Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh oo caawa gaaray Magaalada Dubai ee Isutaga Imaaraadka Carabta.

September 10, 2013 - Written by Editor

IMG_3060Dubai:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh.Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin, Wasiiradda Arriimaha Dibadda ee Soomaaliya Fowsiya Xaaji Aadan Xildhibaano  Baarlmaanka Soomaaliya ka tirsan, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Soomaaliya  iyo masuuliyiin kale  ayaa caawa soo gaaray magaaladda  Dubai ee  Isutaga Imaaraadka Carabta. Garoonka  Diyaaaradaha ee  Mataarka Boqortooyada  ayaa waxaa ku soo dhoweeyey, Wasiirka Waxbarashadda  Federaalka Dowladda Imaraadka Carabta Xumeyd Al Khadhaami , safiirka Soomalaiya u fadhiya  Imaaradaka Carabta  Cabdulqaadir Sheekheey Alxaatimi iyo masuuliyiin kale.

Ujeedada safarka Madaxweynaha ayaa ah ka qeyb galka shirka ka hortagga burcadbadeeda iyadoo sanadkaan looga hadlayo mawduuca ah “Ka Hortagga Burcad Badeedka iyo iska kaashiga dhismaha  awood ka hortagta “Countering Maritime Piracy: Continued Efforts for Regional Capacity Buiding”. Ugu dambeyntii Shirkan ayaa waxaa sanad walba soo qabanqaabiya Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalka isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana kasoo qeybgalaya dawladaha daneeya ka hortagga burcadbadeedka, khubaro ku xeel dheer iyo shirkadaha ka ganacsada gacanka iyo badweynta Hindiya.

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online