Madaxweynaha DFS Xasan Sheikh Maxamud oo soo gaaray Brussels

September 15, 2013 - Written by Editor

XassanBrussels:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh.Maxamud iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminaya ayaa maanta soo gaaray Brussels, ee xarunta Midowga Yurub si uu uga qeybgalo shirka Brussels ee berry furmi doono.Madaxweynaha ayaa caawa casho-sharaf la leh Catherine Ashton, Madaxa Xiriirka Caalamiga ee EU ahna Madaxweyne Ku xigeenka EU Commission.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa berry 16ka September kulamo la leh madaxda Dalka Belgium, ka dibna uu shirkii Brussels furmi doono, ka horna uu kulan gaar ah la leeyahaya Madaxweynaha Golaha Wasiiradda ee EU,Mr Herman Van Rompuy. Shirka Brussels ayaa waxaa wada shir-guddoominaya Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud iyo Catherine Ashton.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxey soo diyaarisay COMPACT dokumenti ah oo qeexaya sida dalka dib loogu dhisi lahaa mudada 3da sano ah ee soo socda, dokumentigan oo latashiyo lagala soo sameeyey shacabka Soomaaliyeed ahna dokumenti Soomaali soo diyaarisay. Qorshaha ayaa ah in caalamku ay taageeraan COMPACT- ka oo ay yabooh sameeyaan oo waddan walba iyo sida uu u saacidi karo qorshahaas isaga ah. Waxaa jira guddi EU iyo Soomaaliya oo dabagal ku sameyn doono hirgelinta qorshahaan mudada 3da sano.

DHAMAAD

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online