Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh oo qaabilay wafdi ka socday dalka China.[Masawiro]

September 10, 2013 - Written by Editor

IMG_2836Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiliay wafdi ka socday dalka China oo uu hoggaaminayey Safiirka China Liu Guang yuan ayaa waxaa ka mid ahaa khubaro ku xeel dheer qiimeynta dhismaha. Madaxweynaha waxaa ku wehliyey kulankan Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna RW ku xigeen iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha, Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh ayaa uga mahadceliyey wafdiga China booqashadooda Muqdisho iyo heshiiskii ay shalay la saxiixdeen Soomaaliya iyo sida ay China diyaarka ugu tahay inay xiriirkii Soomaaliya dib u soo nooleyso oo ay mashaariicdii horena dib u dayactirto. Madaxweynahu waxuu sheegay in China iyo Soomaaliya oo xiriir taariikhi ah uu ka dhaxeeyey loona baahanyahay in la sii joogteeyo. Madaxweynahu waxuu Safiirka u gudbiyey farriin uu u geyn doono Madaxweynaha dalka China.

no images were found

Wafidga China oo u hadlay Safiirkooda Liu Guangyuan ayaa sheegay in Dowladda China ay aad ugu faraxsantahay in xiriirkii taariikhiga ahaa ee Soomaaliya dib loo soo celiyo isla markaana safarkii Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya ay ku tagtey dalka China uu ahaa mid taariikhi ah oo dib u soo nooleeyey xiriirkii labada dal.

–       DHAMAAD –

 Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), 
Senior Advisor & Spokesperson
to the Office of the President

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online