Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo

September 4, 2013 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose

Axmed Madoobe ayaa waxaa uu ka warbixiyey heshiiskii dhawaan dhexmaray maamulka Juba iyo DFS kaas oo ka dhacay magaalada AdisAbaba ee xarunta dalka Itoobiya.

Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxaa uu sheegay in la dhammeeyay khilaafkii u dhaxeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka KMG ee Jubba waxaana uu ka dhawaajiyey in uu safar ku tagi doono magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba ayaa waxaa uu sheegay sidoo kale in dhawaan madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud uu imaaan doono magaalada Kismaayo waxaana uu uga mahad celiyey dadaalka uu ku bixiyey in la xaliyo khilaafkii ka dhexjiray DFS iyo maamulka KMG ee Juba.

Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sidoo kale sheegay in uu soo dhameystiri doono maamulkiisa Juba.

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa dhowraya shirarka ka kala dhici doona magaalada Muqdisho iyo Kismaayo.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online