Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba Sh.Axmed Madoobe oo shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo.[Dhagayso]

September 12, 2013 - Written by Editor

1Kismaayo:-Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba Sh.Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo goor dhow kula hadlay saxaafada  magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu u sheegay in uu ka badbaaday qarax is miidaamin ah oo lala beegsaday isagoo sheegay in xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay wax dhibaato ahna aysan ka soo gaarin weerarka lala eegtay kolonyadii ciidanka ahaa ee la socday.

Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba Sh.Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-shabaab uu si socon doono ayna marka danbe iyagu guusha gaari doonaa  isagoo sheegay in kooxda Al-shabaab ay saaka dhex dooda ay is laayeen oo iyagu ay is xasuuqeen. Qarax lala beegsaday madaxweynaha maamulka KMG Jubba  Axmed Madoobe ayaa waxaa ku dhintay ilaa 15 qof halka dhaawucu  uu gaarayo ilaa 18 qof.

Weerarka lagu qaaday Madaxweynaha maamulka KMG Jubba ayaa waxaa lagu soo beegay xili maanta ururka Al-shabaab ay dileen Abuu Mansuur Al-amriki , iyo Usaama Biridaani oo ahaa Saraakiishii Muhaajiriinta ee ka garab dagaalamaysay ururka Al-shabaab siiyeyna tababaro dhinac ciidanka ah.

Hoos ka Dhagayso shirka Jaraa’id ee  Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba Sh.Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)

[audio:https://halgan.net/Mp3/shirkii jaraaid Madaxweyne maamulka KMG Jubba Axmed Madoobe.mp3] ama Halkaan ka dhagayso

Hoos ka Daawo Video shirka Jaraa’id ee  Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba Sh.Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Source dhanaan.com

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online