Madaxweynaha Maamulka KMG Jubba Axmed Madoobe oo ka badbaaday isku day lagu khaarajin lahaa
September 12, 2013 - Written by EditorKismaayo:-Waxaa saaka weerar qarax ah lagu weeraray baabuur galbinaysay madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe, Qarax ayaa dhacay xili maanata uu dib uga soo laabtay magaalada Muqdisho Madaxweynaha Maamulka KMG Jubba Axmed Madoobe.
Wararka soo gaaray Halgan.net ayaa sheegay in dadka ku dhintay qarax uu ka mid yahay Suldaan Maxamed deeq Suldaan Maxamuud Haybe iyo qaar ka mid ah askarta waardiyaha ka hayey baabuurta galbinaysay wafdiga ka yimid magaalada Muqdisho.
Qarax miinada ah oo watay nin naftii hore ah ayaa waxaa uu la beegsaday gaadiidkii uu la socdday Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba Axmed Madoobe waxaan qarax ka dhintay in ka badan 10 qof waxaan ku dhaawacmay qaar kale oo aan weli la shaacin tiradooda.
Afhayeenka maamulka KMG ee Jubba Cabdinaasir Seeraar Maax oo la hadlay saxaafada ayaa waxaa uu sheegay in madaxweynaha maamulka KMG Jubba uu ka badbaaday weerarkii la doonayey in lagu khaarajiyo isagoo weerar kaan ku eedeeyey ururka Al-shabaab.
Madaxweynaha maamulka KMG Jubba Axmed Madoobe ayaa la filayaa in dhawaan uu la hadlo saxaafada iyo wariyaasha ka howl gala magaalada Kismaayo si uu uga waramo khasaarihii ka dhashay qarax lagu weeraray.
Cabdi Yare
Halgan.net