Madaxweynaha oo kulamo muhiim ah la qaatay Madax sare oo ka tirsan dowladda Maraykanka

September 21, 2013 - Written by Editor

Madaxaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya oo safar shaqo ku joogo dalka Mareykanka ayaa waxaa uu kulumo laqaatey Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalkan Mareykanka Mudane John .F.Kerry, Wasiirka Gaashaandha Mudane Chuck Hagel , Lataliyaha Amniga Qaranka Marwo Susan Rice , iyo Congaresman Keith Ellison.

Kulamadan ayaa waxay ka kala dhaceen xarumo kala duwan oo ay ka mid yihiin Aqalka-Cad ee Pentagonka, Capitol,iyo Wasaarada arrimaha dibada ee Mareykanka,Madaxaweynaha safarkiisa ayaa waxaa diirada lagu saarayaa wada shaqeyn iyo iskaashi dhaxmara Mareykanka iyo Somaliya.

Kulanka Madaxweynah ayaa waxaa ku weheliyey Ra’isul Wasaare ku xigeenka ahana Wasiirka arimaha dibadda Marwo Fowzia H. Yusuf Adam, Wasiirka Maliyada Mudane Maxamuud Suleymaan,iyo Wasiirul dowlaha Madaxtooyada Mudane Farah Sheikh Abdulqadir.Governatoraha Bankiga Dhexe Marwo Yusra Abrar iyo lataliyayaal sar sare oo ka kala socdo xafiiska Madaxaweynaha iyo Xafiiska Ra’isul Wasaaraha.

Madaxaweyne Hassan Sheikh Maxamuud ayaa ugu mahad celiyey Mareykanka Taageerada ay siiyaan shacabka Somaliyeed oo hada ka soo kabsanayo dagaal sokeeye oo aad udheeraa.Madaxaweynaha ayaa hoosta waxaa uu ka xariiqey muhiimada ay leedahay midnimada iyo heshiiska shacabka Somaliyeed. Sidoo kale wuxuu yiri” waa muhiim in wadashaqeyn ku dhisan nidaam iyo isbaheysi in ay dhex marto labada dal ee Somaliya iyo Mareykanka

Mar uu ka hadlayey lixda Tiir siyaasadeed ee dowladda Soomaaliya ayuu Madaxaweynaha sheegey in ay hada Soomaaliya ka jirto isbedel iyo rajo ;taageero yarna ay wax badan ka bedeli doonto qaasatan dhinaca amniga iyo hormarka dalka.In xiriirka caalamiga dib loo soo celiyo waxa ay qeyb ka tahay siyaasada Madaxaweynaha.Sidoo kale Madaxaweynaha ayaa maanta khudbad taariikhi ah ka jeediyey Xaruunta Woodrow Wilson hoostana ka xariiqay horumarka lagaarey iyo in Soomaliya ay ka dhici doonto 2016 doorasho xor ah.

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online