Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Brussels

September 15, 2013 - Written by Editor

>Brussels:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Faroole iyo wafdiga uu hogaamiyo ayaa goordhow gaaray magaalada Brussels ee xarunta dalka Biljam.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Brussels ku soo dhaweeyey Wakiilka EU u qaabislan arimaha Soomaaliya Michele Cervone d’Urso .

Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Cabdullahi Warsame ,Dr. Cabdrisaaq Cusman Jurile iyo Dr. Maxamad Xasan Barre iyo masuuliin kale oo ka tirsan maamulka Puntland.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa waxay ka qeyb gali doonaan shirka New Deal ee ka dhici doona magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub waxaana Puntland ay si rasmi ah u heshay casumaad gaar ah.

Waxaa sidoo kale shirka New Deal ka soo qeyb gali doona Madaxweynaha Galmudug Cabdi Qeybdiid,Madaxweynaha Maamulka Juba Ahmed Madoobe

.Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa la filayaa in uu galabta soo gaaro magaalada Brussels si uu uga qeyb galo shirka News Deal oo maalinta birito ah ka furmi doona Brussels.

M_M_Deeq

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online