Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibada dalka Itoobiya
September 3, 2013 - Written by EditorAddis:-Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Puntlland Dr Cabdiraxmaan Faroole ayaa gaaray magaalada Itoobiya waxaan soo dhaweeyey oo casho sharaf ugu sameeyey Hotel Sheraton Wasiirka Arrimaha Dibada Itoobiya Tedros Adhanom. Wafdiga Madaxweynaha Puntlland ay mudo dhowr cisho ah waxaa ay safar shaqo ku joogeen dalka Kenya waxaan ay kulamo gooni gooni la qaateen Hay’addaha qaramada Midoobay, Safiiro iyo xubno ka tirsan EU oo iyagu daneeya arrimaha Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibada Itoobiya Tedros Adhanom iyo Madaxweynaha Puntlland ayaa waxaa ay ka wada hadleen xiriirka u dhexeeya Puntland iyo dowladda Itoobiya iyo siddii la iskaga kaashana lahaa xiriirka dhinac dhaqaalaha iyo amniga. Madax weynaha Dowlada Puntland ayaa waxaa uu uga mahadceliyey dowladda Itoobiya taageerida Bulshada Soomaaliyeed iyo madaxdooda iyo weliba taageerida in dalka Soomaaliya uu yeesho dowladda rasmi ah oo soo celiya nabada iyo kala danbaynta dowladdnimo.
Dhinac kale Wasiirka Arrimaha Dibada Itoobiya Tedros Adhanom ayaa uga mahad celiyey Puntland dowrkii ay ka qaadatay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka baxdo ku meel gaarnimada oo ay noqoto dowladd rasmi ah.
Waxaa kale oo ku amaanay madaxda Puntland nabadgelyada iyo amniga ka jira gobollada ay gacanta ku hayaan isagoo ugu baaqay madaxda Puntlland in ay taageeraan wax walba oo suuro gelin galinkara in Soomaaliya ay ka baxdo marxalada ay hadda ku jirto.
Madaxweyne Puntllnd Dr Cabdiraxmaa Faroole ayaa la filya in uu kulan la qaadan doono madaxda kale duwan ee Itoobiya oo uu ugu horeeyo Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn.
M_M_Deeq
Halgan.net