Madaxweyne DFS Xasan Sheekh oo ka tacsiyeyey dilka Xildhibaan Xuseen C/Salaam.

September 23, 2013 - Written by Editor

IMG_1884Muqdisho:-Madaxeweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareyey dilkii caawa magaaladda Muqdisho loogu geystay Xildhibaan Xuseen C/Salaan oo ka mid ahaa Xlidhibaanadda  Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh ayaa tacsi u diray eheladdii , Qaraabadii iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriday  Allaah naxariisee Marxuum   Xuseen C/Salaam” Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi raajicuun, Alaah naxariisto Jannadii Fardowsana Alaah haka waraabiyo Marxuum Xuseen C/Salaam, sabar iyo iimaan Alaah ha siiyo Ehaladdii iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynahu.

“ Waxa uu ahaa nin howl-kar ah oo wax badan u soo qabtay Dowladda Soomaaliyeed, Dowladahii KMG ahaa iyo umadda Soomaaliyeed, waxa uu ahaa nin Dowladnimadda aad u jecel,mana hilmaami doono taariikhda ayaa xusi doonto”ayuu yiri Madaxweynahu.

Ugu  dambeyntii Madaxweynaha ayaa  sheegay in cadaaladda mar la horkeeni doono kooxahii ka dambeyey dilka Xildhibaanka iyo dilalka kalaba, wuxuunna  ku amray ciidamadda ammaanka in sida uga dhaqsaha badan war uga keenaan kooxaha dilka geystay.

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online