Madaxweyne ku xigeen Puntland oo dhagax dhigay Dugsi sare oo laga hirgelinayo Taleex

September 3, 2013 - Written by Editor

SONY DSCTaleex:-Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa maanta waxaa uu dhagax dhigay dugsi sare oo laga hirgelinayo degmada Taleex ee Gobolka Sool, Xaflada dhagax dhiga  ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiir ku xigeenka wasaarada maaliyada Puntland Cabdi Ibraahim Warsame, duqa degmada Taleex, Waxgarad, Odayaal dhaqan iyo Xilidhibaan iyo Saraakiil ka tirsan Puntland.

Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa in mudo ah waxaa ay ku suganaayeen degmada Taleex oo ah magaalo Taariikhi ah kana mid ah magaalooyinka ugu magaca dheer dalka Soomaaliya. Duqa degmada Taleex Maxamuud Cali Warsame oo a hadlay Xaflada lagu dhagax dhigayey  dugsiga sare ayaa waxaa uu sheegay in uu soo dhaweynayo skuulkaan la dhagax dhigay uuna soo dhaweynayo waxqabad kasta oo Puntlland ay ka hirgalinayso degmada Taleex.

Wasiir ku xigeenka wasaarada maaliyada Puntland Cabdi Ibraahim Warsame oo isagan goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu ahmiyada gaar ah yeelan doono skuulka maanta la dhagax dhigay bulshada reer Taleexna ay ka faa’iidaysan doonaa.Wasiir ku xigeenka wasaarada maaliyada Puntland Cabdi Ibraahim Warsame  ayaa ku amaanay ardayda reer Taleex in ay kaalin weyn ku lahaayeen ardaydii waxbarashada ka hellay dalka Turkiga.

Gabagabadii ayaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdi Samed Cali Shire oo hadal kooban jeediyey waxaa uu xusay in arday reer Taleex sanadkii hore aysan gelin imtixaanadii dugsiyada sare ee Puntlland ka dib markii dad wax magarato ah ay wareeriyeen kuwaas  oo aan eegayn dadka bulshada reer Taleex.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdi Samed Cali Shire ayaa ka digay in waalidiintu aysan ku kadsoomin shahaadooyin dadka qaar ay leeyihiin waa bixinayanaa meelna aan ka shaqayn oo aan laga aqoonsanayn. Madaxweyne ku xigeen ka Puntland Gen.Cabdi Samed Cali Shire ayaa sheegay in sharaf u tahay in maanta ay dhagax dhigaan dugsigaan sare oo ka mid ah  dhowr mashruuc oo ay Puntlland ka hirgelinayso degmada Taleex.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online