Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey Shirka ka hortaga Burcad badeeda ee ka furmay Dubai

September 11, 2013 - Written by Editor

IMG_3231Dubai:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qudbad ka jeeediyey furitaanka shirka ka hortaga Burcad Badeed oo maanta ka furmay magaalada Dubai ee Isutaga Imaaraadka Carabta. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa marka hore u mahad celiyey Dowladda Imaraadka Carabta oo sanad walba qabata Shirkan” Aad ayaan uga mahad-celinayaa Dowladda Imaraadka Shirkan iyo fahamka Qatarta Burcad Badeeda.

“ Dowladda Soomaaliya diyaar ayey u tahay la shaqeynta caalamka si loo dhaqan geliyo muhiimadaha gaarka ah sida, Ammaanka, Cadaaladda, hagaajinta maamulka Maaliyadda, Dowladd-wanaaga iyo kuwa kalaba” ayuu yiri Madaxweynaha.

Shirkan oo sigaar ah looga hadlayo sanadkan Ka Hortagga Burcad Badeedka iyo iska kaashiga dhismaha awood ka hortagta, ayaa Madaxweynahu ka sheegay in xalka Burcad badeeda yahay xoojinta iyo taageeridda Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana shirka ka qeyb galay madax ka socota wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya.

Ugu Dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Isutaga Imaaraadka carabta Sheekh Abdullah Bin Sayed, waxa uuna kala hadlay xiirirka labadda dalka.

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online