Milkiilaha Maqaaxida The Village oo beeniyey hadalkii ka soo yeeray Al-shabaab

September 8, 2013 - Written by Editor

Muqdisho:-Milkiilaha Maqaaxida The Village Axmed Jaamac ayaa beeniyay inuu wax xiriir ah la leeyahay Sirdoonada dalka Ingiriiska ee MI5 iyo MI6 waxaana uu been abuur ku tilmaamay hadal ka soo yeeray Afhayeenka howlgalada Al-Shabaab C/casiis Abu Muscab.

Milkiilaha Maqaaxida The Village ayaa sheegay in uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo dalkiisa dib ugu soo laabatay si uu u maalgishto waxaana uu sheegay in weerarada Al-shabaab ku hayaan Maqaaxida The Village aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin.

Axmed Jaamac Milkiilaha Maqaaxida The Village ayaa la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho wuxuuna sheegay in Milkiilaha Maqaaxida The Village ay ka shaqeeyaan dhalinyaro badan oo aan markii hore wax shaqo ah aan heysan.

Milkiilaha Maqaaxida The Village ayaa ah maqaaxiyaha ugu caansan magaalada Muqdisho waxaana dhowr mar weeraro la beegsaday Ururka Al-Shabaab halkaas oo ay ku dhinteen dad rayid ah

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sheegay in jawaasiis u shaqeysa sirdoonka Sirdoonada dalka Ingiriiska ee MI5 iyo MI6 ay ka howlgaaan maqaaxida The Village .

Qaraxii shalay ka dhacay Maqaaxida The Village ayaa waxaa ku dhintay 15 qof oo rayid ah oo ay dumar ku jiraan waxaana sidoo kale ku dhaawacmay laba wariye oo ka howlgala magaalada Muqdisho.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online