Muasasada al -karam oo safar dacwadeed ugu baxaday Gabilay iyo Owdal

September 5, 2013 - Written by Editor

صورة القافلة الدعويةBurco:-Muasasada al karam ee dacwada iyo horumarka ayaa waxay u bexeen safar dacwadeed oo ay ku tageen tulooyin ku yaala gobollada Gabilay iyo Owdal. Safarkan oo uu horkacayey gudoomiyaha golaha fulinta ee Mu,asasada al-karam Shiikh Faysal Maxamed Cumar ayaa waxaa ay u jeedadiisu ahayd in la soo kormeero xaalada dacwadeed ee goboladaas.

Culimada safarka u baxday ayaa waxaa ka mid ahaa:

  1. Sh Faysal Maxamed Cumar
  2. Sh Maxamed Cumar Cige(Abu Cuyeyna)
  3. Sh Cabdisamad Cabaas
  4. Sh Cabdiwahaab Maxamed Mowliid
  5. Sh Cabdiraxmaan Faarax

Jowladaan dacawiga ah oo qaadatay mudo dhan 4 habeen ah ayaa culimadu waxay soomareen tuulooyin ay ka mid yihiin:
1. Alybaday
2. Xidhinta
3. Wajaale
4. Kalabaydh
5. Dila
6. Gabilay
7. Abaarso
8. Abu riin
9. Ijaara
10. Laayo
11. Taysa
12. Odka carada
13. Qudhaca
14. Aburiin
15. Geed balaadh
16. Waalid xoor

Iyo tuulooyin kale oo aad u tiro badan,culimada ayaa waxay dadka ku nool dhulkaas kala hadleen mawaadiic ay aad ugu baahanyihiin sidda :-

1- Salaada fadligeeda iyo xukunka qofka ka taga salaada
2- Maalinta qiyaamaha iyo dhibaatooyinkeeda
3- Janada iyo naarta iyo dadka u ehelka ah labadaba
4- Tawxiidka iyo macnaha laailaaha illa laahu
5- Muhiimada uu leeyahay wakhtigu iyo ka faa,iidaysigiisa
6- Maandooriyayaasha sida (qaadka iyo sigaarka) iyo wixii la mid ah
7- Dulmiga iyo dhibaatooyinkiisa maalinta qiyaame

Culimada safarkan hogaaminaysay ayaa waxa ay dadka kala hadlayeen goobo kala duwan sida :

1- Wacdiga suuqa lagu qabto
2- Maxaadarooyin lagu qabto masaajidada
3- Khudbadaha maalinta jimcaha
4- Muxaadaraad lagu qabtay goobaha dumarka
5- Qaybinta kutub quran ah iyo hadyado kala duwan.
Safarkan ayaa waxa nagaa caawiyey hay,ada qarni ifriiqiya ee khayriga ah iyo Gudida wanaag farista iyo xumaan reebida xafiiska dagmada ibraahim kood buur ee magaalada hargaysa.

Talooyin iyo gunaanad

Waxa aanu ku talin lahay hadii aanu nahay Mu,asasada al-karam ee dacwada iyo horumarinta bulshada waxyaalahan hoos ku qoran:-

1- In qof kasta oo daciya cilmina lihi iyo ururaduba ay isku dayaan safarkan oo kale weliba la joogteeyo.

2- In wakhtiga xagaaga ee inta badan macalimiintu fasaxa yihiin loo saaro macalin walba tuuladooda uu joogo mudo dheer ugu yaraan shan iyo toban cisho (15) ilaa hal bila si dadka uu uga dhaadhiciyo una fahansiiyo diintooda.

3- In dadka wax garadka ah iyo aqoon yahankuba ay isku tashadaan gudo iyo dibadba oo ay sameeyaan dhaqaale lagu soo wacyi geliyo dadkooda walaalaha ah ee tuulooyinka miyiga ku nool diintana loo soo fahansiiyo si ay u badbaadaan akhiro iyo aduunyab.

4- In loo geeyo casharada diiniga ah oo duuban sida (mimariyad a-cajaladaha) iyo wixii la mid ah.

5- In dadka wax loo dhigo lana fahansiiyo inay wax akhriyi karaan qorina karaan Carabi iyo Soomaali

Mu,asasada al-karam
Burco, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online