Mutamarkii 13-aad oo xalay lagu soo gabgabeeyey Minnesota[Masawiro]

September 2, 2013 - Written by Editor

IMG_3830Minneapolis:-Waxaa Xalay lagusoo gabagaboobay Gobalka Minnesota mutamarkii 13-aad ee sanad laha ahaa ee ka dhici jiray Minneapolis convention Center, oo ay soo qaban qaabin jireen Golaha Imaamyadda Waqooyiga Ameerika iyo Abuubakar As-Saddique Islamic Center. Mutarmaka Sanadkan ayaa hal ku dhigiisu ahaa aayad quraan ah oo macnaheedu yahay“ Islaamka dhamaantiis wada Gala” Mutamarka ayaa socday August 30-Sebtember 1, 2013 taasoo ku beegnayd xili dalka Maraykan fasax loogu jiro Labor Day,.

Mutamarka ayaa ku baxayey Somali iyo luuqada Ingiriisiga, waxaa kasoo qayb galay culimo farabadan oo ka kala yimid dalka dibadiisa iyo gudihiisa. Culimadaasna waxaa ugu caansanaa Sh. Maxamed Idris Axmed oo kasoo kici timay dalka Sucuudiga, Sh. Axmed Nur, Sh. Abdirisaaq Xaashi, Sh. Khaddar Jama, Sh. Abdirisaaq Sancaani iyo Sh. Abdullaahi Abul Fadli.  Culimmada Luuqada Ingiriisiga ayaa waxaa ka mid ahaa Sh. Siraaj Wahhaj iyo Sh. Abdulbary Yahya,Sh. Mohamed Dini,Sheikh Okasha Abdallah  oo ka kala yimid  gobolada dalkan Maraykan .

Mutamarka oo socday saddex bari ayaa culimmmadu soo jeediyeen muxaadaraad farabadan oo ku baxayey luuqadaha aan soo xusnay hoosna imaanayey magaca guud ee Mutamarka. Maalinkii Sabtida ayaa mutamarka waxaa lagu soo bandhigay qalin jabinta machadka Abuubakar, Xarunta Abuubakar ayaa laba sano kahor hirgalisay Macad Islaami ah oo lagu baranayo Shareecada Islaamka, macadkaa ayaa loogu tala galay ardayda kasoo baxda in la siiyo Shahaado diploma ah, sidoo kale ardayda Macadkaas kasoo baxda ayaa waxay awood u yeelanayaan inay noqdaan imaamyo Masaajid iyo Macalimiin dadka wax bari kara. Ardayda qalin jabisay ayaa dhamayd 56 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho.

no images were found

Mutamarka ayaa waxaa kaloo ka hadlay masuuliyiinta laga soo doorto gobal kan sida Congressman Keith Ellison ,Senator Amy Klobuchar & Dadkale oo kale. Waa alle Mahadii hadii ay guul noogu dhamaatay waana farxad lama iloobaana in ilaa lixdan muxaadaro ay baxeen sadaxdaa maalmood waxaa sidaa yiri maamulaha masjidka Abuubakar Sadiq MPLS Maxamuud Guuleed (Suhayb).

Maanta oo Axad ah ayaa waxaa lasoo gaaray gabagabadii mutamarka ,  sidii caadada ahayd ayaa waxaa tabarucaad loo aruuriyey Masaajidka abuubakar, sidoo kale waxaa talooyin iyo dardaaran wax ku ool ah kasoo jeediyey dhamaan culimmadii mutamarka ka soo qayb gashay iyo waxgarad kale.  Ugu danbayntii waxaa lagu gabagabeeyey su’aalo iyo jawaabo iyo Duco.

Siyad Salah
Minneapolis, MN
siyadsalah@hotmail.com

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online