Nabadoon caawa lagu dilay degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan

September 11, 2013 - Written by Editor

bistaBeledweyne:-Wararka caawa naga soo gaaraya degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in caawa Rag bastoolado ku hubeysan ay ku dilay magaalada Beledweyne nabaddoon Xuseen Macallin Maxamuud. Nabadoon Xuseen Macallin Maxamuud ayaa la dilay markii uu ka soo baxay Masjid
ku yaal degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ku soo tukaday salaadii maqrib.

Dilka alaha u naxariistee Nabadoon Xuseen Macallin Maxamuud ayaa waxaa xaqiijiyey Taliyaha qeybta booliska ee gobolka Hiiraan G/sare Isaaq Cali Cabdulle waxaana uu dilka Nabadoonka uu ku eedeeyey kooxaha amniyaadka ee Ururka Al-Shabaab.

Qaar ka mid ah Dadweynaha ku dhaqan gobalka Hiiraan ayaa ku eedeeyey Maamulka gobalka iyo kan degmada DFS in ay ku fashilmeen sugida amaanka degmada Beledweyne . Goobta dilka ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan DFS iyo kuwa Jabuuti oo ka tirsan AMISOM iyaga oo bilaabay baaritaano waxaa goobta isaga baxsaday laba dhalinyaro ah oo dilay Nabadoon Xuseen Macallin Maxamuud

Cabdi yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online