Warbixin Nadwo cilmiyeed diini ah oo ka bilaabatay magaalada Garoowe[masawiro]

September 30, 2013 - Written by Editor

garooweGaroowe:-Xalay oo ay Taariikhdu ahayd 28/09/2013 waxaa ka bilawday Masjidka weyn Al-hudaa ee Magaalada Garoowe Nadwadii lixaad oo ka mid ah Nadwooyin Taxana ah oo sanad kasta lagu qabto Garoowe. Nadwadaan oo Ciwaankeedu yahay:  (ولاتتبعوا السّبل فتقرّق بكم عن سبيله)  – oo ah  qayb ka mid ayaad Qur,aan ah ayaa waxaa ka soo qayb galay culumo si weyn looga yaqaan Dalka Soomaaliya iyo Caalamkaba. Nadwadaan cilmiga ah ayaa waxaa soo qaban qabisay Mu’asasada Al-Minhaaj ee Dacwada iyo Horumarinta.

Barnaamijkii xalay ayaa isugu jiray furitaankii Nadwada iyo dhagaysiga muxaadaradii ugu horreysay oo ciwaan keedu ahaa(Halka ay Ahlussunna waljamaaca ka taagan yihiin magacyada, iimaanka, Islaanimada, Gaalnimada Munaafaqnimada , Faasiqnimada iyo Xukunkoooda).

no images were found

Qaybta Furitaanka

Furitanka Nadwada ayaa waxaa ka hadlay dad kala duwan oo isugu jira culimo odayaal masuuliyiin dawladda kasocotay. Ugu horayntii ayaa waxaa ka hadlay barnaamijka Sh.maxamud xaaji yuusuf oo ka mid ah culimada waa wayn ee soomaaliya isaga oo soo dhawayn iyo mahad celinba usameeyay culimada lagu marti qaaday barnaamijka islamarkaana aad u qeexay una balballaariyay ujeedooyinka waawayn ee loo qabtay Nadwada oo ay ka mid yihiin la dagallanka afkaarta khaldan ee lagu gaalayasiinayo  ummadda Muslimiinta ah  laguna bannaysanayo Naftooda iyo Maalkooda .

Xaaji Cawiif oo ku hadlayay magaca odayaasha ayaa dhankiisa mahadcelin ballaaran u soo jeediyay culimada soo jeedinasa Nadwada isla markaana iftiinshay ahmiyadda cilmiyeed ee ay xambaarsantaahay Nadwadaan kuna boorriyey bulshada in ay si weyn uga soo qayb galaan.

Waxaa sidoo kale ka hadlay barnaamijka furitaanka Nadwada Duqa caasimadda dawladda puntland C/cassiis Nuur Cilmi  Koor isaga oo aad u bogaadiyey waxqabadka ballaaran ee ay ku tillaabsatay mu’asasada al minhaaj intii ay jirtay mu’asadan oo ahayd midda soo qaban-qaabisay fulisayna Nadwada isaga oo tilmaamay in ay wax lataaban karo ka qabatay dhanka dacwada iyo dhanka horumarka labadaba .

Duqa ayaa sidoo kale soo dhawayn iyo mahad celin ballaaran usoo jeediyay culimadii iyo martidii kaladuwanayd ee kasoo qayb gashay Nadwada,dadkana aad ugu dhiiri galiyay inay ka faaidaystaan. Agaasimaha guud ee wassaaradda diinta cadaalada iyo dhaqsncellinta C/risaaq Nuux Maxamed, oo ka mid ahaa dadkii goobta ka hadlay ayaa soo dhawayn iyo mahadcelin kadib ku baaqay dhaqan galinta talooyinka ka soo baxa Nadwada isaga oo caddeeyay in wasaaraddu garab taagantahay.

Ugu danbayntii ayaa waxaa ka hadlay si rasmi ahna u furay Nadwada wasiiru dawlaha maamul wanaagga mudane Maxamed Faarax Ciise Gaashaan isaga oo ugu horayntii uduceeyay culimadii qaaliga ahayd ee loo dilay faafinta diinta iyo sixidda afkaarta khaldan islamarkaana ilaah uga baryay in ilaaliyo culimada inta hartay.
Wasiirka ayaa – mahadcelin ballaaran ee usoo jeediyay qabanqaabiyayaash Nadwada iyo culimada kadib – waxa uu tilmaamay baahida wayn ee loo qabay Nadwada xiligan isaga oo farta ku fiiqay khatarta ka dhalatay afkaarta khaldan .Wasiirka ayaa sidoo kale ballan qaaday in ay dawladdu fulinayso talooyinka ka soo baxa Nadwada cadeeyayna in ay tillaabo ka qaadayaan ciddii wax sheegidda wax ku qaadan wayda.

Muxaadarada 1aad:
Maxaadarada 1aad ee caawa ayaa ku bilaabatay  hordhac lagu iftiiminayo dawrka iyo waajibka saaran umadda Nabi Maxamed oo ah ummad dhexdexaad ah xilna ka saran yahay faafinta diinta Islaamka iyo faridda wanaagga iyo iska reebidda xumaanta.
Waxay caddaysay  muxaadaradu sidoo  kale  mawqifka ahlu sunna wal jamaaca ay ka joogaan kooxaha dhumay oo ka bayray jidka toosan marka laga hadlayo magacyada alle ,iimaanka ,gaalaysiinta  iwm.

Sheikh c/qani qorane ayaa   hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay Muxaadaradu leedahay maadaama  ay daboolka ka qaadayso khataraha waawayn ee ka   dhalankara in laga bayro jidka toosan ee ay ku taaganyihiin ahlu sunna waljamaaca kuwaasoo ay ka midyihiin :

·    Iskhilaaf iyo kalatag ku yimaada ummadda islaamka ah.
·    In la gaalaysiiyo bulshada lanabannaysto dhiiggooda iyo sharftooda ayna ka dhalaynayso in lagu dhaqan-galiyo axkaamta kale ee ka dhalanaysa in qof gaaloobo.
·    In lakala garan waayo yaa sokeeye kuu ah oo muslim ah yaase gaal ah oo cadaw kuu ah.

Hadaba si looga badbaado in lagu dhoco khatartaas aan tilmaanay ayaa shiikhu waxa uu caddeeyay manhajka iyo qawaacidda saxda ah ee ay tahay in la raaco kuwaas oo ay dajiyeen ahlu sunna waljamaca kuwaas oo ay ka midyihiin:

·    In aan lagu gaalaysiin karin qof Muslim ah waxa ka dhalanaya hadalkiisa ee ay tahay in lahubsado waxa uu ula jeedo.
·    Waa in lahelo shuruudo gaar ah oo hadii la waayo aan lagu gaalaysiin karin waxa gaalnimada ah ee uu falay ama ku hadlay.
·    In la helo si loo gaalaysiiyo qofka wax u diidaya in lagalaysiiyo (الموانع).

Waxa uu shikhu dul istaagay qodob muhiim ah oo ka jawaabaya su’aasha oranaysa  yaa xaq u leh in ay go’aan ka gaarto cidda la gaalaysiinayo iyo cidda kale iyada oo aan wada ogsoonahay in ay noqotay wax caan baxay soomaalida dhex deeda in la qaybiyo gaalnimada iyo islaanimada .

Hadaba shiikha ayaa caddeeyay in aysan ahayn masaladaan mid u furn cidwalba balse ay tahay arrin u taalla culimada waawayn ee ku xeeldheer diinta ayna kaligood go’aan ka gaari karaan. Gabagabada muxadarada ayaa shiikhu kusoo gunaanaday natiijooyinka xunxun ee laga dhaxli karo in la raaco fikirka khawaarijta ee qalloocan kuwaas oo ay ka midyihiin kuwan soo socda:

·    In ay diintu sheegtay inay yihiin dadka ugu khayrdaran inta ilaahay abuuray.
·    In lagu tilmaamay  in ay yihiin eyda ehlu naarka.
·    In Nabigu Nabadgalyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee uu adkeeyay in lalaayo.Iwm.

Hadaba darsiga ugu muhiimsan ee aan ka baranay muxaadarada ayaa ah in aan lagu deg degin gaalaysiint dadka muslmka ah haday dhacdana ay ka tarjumayso in qllooc galay manhajkii saxda ahaa ee lagu bartay ahlu sunna waljamaaca maadaama iyagu aysan gaalaysiin xataa kuwa iyagu gaalaysiiya dadka muslimka ah oo la wada ogsoonyahay tilmaamaha xun xun iyo goodiga adag ee Nabigu Naxariis iyo Nabad galyo korkiisa ha ahaatee uu u jeediyay kooxaha wax gaalaysiiya.

Tacliiq:
Waxaa tacliiq saaray Muxaadarda Sh .maxamed  Godane Xoosh isaga oo si adag u weerary kooxaha wax gaalaysiiya kuna tilmaamay  shaqadoodu noqotay oo kaliya in ay suuqa ku qaybiyaan kaarka gaalaysiinta si ay u duufsadaan dadka aan aqoonta dheer lahayn oo aan marna lagu arag iyaga oo ka hadlaya masaajidda ama xarumaha waxbarshada iyo cilmiga taasina  ay daliil cad u tahay khaldanaanta fikirkooda xun.

Waxa uu shiikhu si gaar ah uga digay dhalinyarada in ay ku kadsoomaan dadka xambaarsan fikradaha khaldan  maadaama ay dhalinyaradu yihiin cidda kaliya ee taargadka u ah dadka noocaan ah.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online