Nadwo diini ah oo ka socotay Garoowe oo gashay habeenkeedii labaad.[Masawiro]

September 30, 2013 - Written by Editor

8Garoowe:-Nadwo ka socotay magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay gashay habeenkii labaad waxaan muxaadaradii labaad jeediyey Shiikh.Maxamed Macalim Axmed waxaan uu ugu magacdaray cinwaanka muxaadarada ayaa ahaa (Firqada khawaaijta : bilawgoodii ,fikirkooda iyo tilmaamahooda).

Shiikha ayaa aad u qeexay waxaa ay yihiin khawaarij isaga oo ku macneeyay in ay yihiin cid kasta oo ku baxda khaliifka  ama Madaxweynaha muslimiinta ,waxaana loogu bixiyey magacaan maadaama ay ku bexeen Imamu Cali Binu Abii daalib.

Khawaarijta ayaa soo ifbaxay xiligii Nabiga inkasta oo ay si rasmi ah u soo bexeen xilligii khaliifadii Cali alla ha ka raalli noqdee. Nabigu Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee waxaa uu aad uga digay fikirkaan qalloocan waxa uuna caddeeyey Manhajka saxda ah oo ah in aan la dooxin dadka waxa u qarsoon ee ay tahay in lagula dhaqmo waxa ka muuqda aana shaqadaas cidna loo dirsan .

no images were found

Khawaarijta ayaa waxa ay leeyihiin manhaj khaldan oo ay u maraan fikirkooda qalloocan waxaana uu shiikhu ka tilmaamay manhajkoodaas waxyaalahan soo socda:

1-    Waxay si khaldan u daliishadaan Nusuusta Diinta waxayna u fasirtaan siwaafaqsaan danahooda guracan .
2-    Dadka muslimiinta ah waxay ku gaalaysiiyaan waxaan lagu gaaloobin
3-    Waxa ay aaminsan yihiin in lagu baxo oo lala dagaalamo imaamka jaa’irka ah iyo madaxda Muslimiinta cidii aan iyaga la fikir ahayn.
4-    Ninka aan ka midka ahayn ama aan ka dhinac dagaalamin waa ay gaalaysiiyaan waana ay dilayaan.
5-    Waxay aruursadaan Nusuusta goodiga ah waxayna iska indha tiraan Nusuusta ku saabsan naxariista Alle.
6-    Waxay xukumaan quluubta dadka iyo wax yaalaha ka dhalanaya hadalkooda ama ficilkooda.
7-    Waa Koox ku ad-adag la dhaqanka Muslimiinta, xagga Xukunka, Dhaqanka Iwm.
8-    waxay had iyo jeer daliishadaan qur’aanka xadiiskana uma badna.

Tilmaamahooda

Nimanka khawaarijta ah waxa ay leeyihiin tilmaamo u gaar ah oo lagu garto sidaa darteed ayaa shiikhu aad u iftiimiyay tilmaamahooda  si looga digtoonaado waxaana ka mid ah tilmaamahooda:-

1.    Waxay u badan yihiin da’yarr oo aan la hayn caqli ku filan.
2.    Waxay caan ku yihiin cibaado aan cilmi iyo caqiido ku salaysnayn.
3.    Waxa ay ku liitaan fahanka diinta ee saxda ah.
4.    Waxay aad u aqriyaan qur’aanka laakin ma dhaafsiisna fahankiisu Afka baarkiisa.
5.    Waa dad ad-adag oo qalafsan oo naxariis aan lagu arag.
6.    Waa dadka ugu sharta badan uguna khayrka daran intuu ilaahay abuuray.
7.    Waxay qaloociyaan si khaldana u daliishadaan diinta.
8.    Nusuusta gaalada ka hadlaysa ayay waxa u daliishadaan dadka muslimiinta.
9.    Waxay laayaan dadka Muslimka ah, Birtooduna ma taabato Gaalada.
10.  Waxay gaalaysiyaan lana dagaalamaan madaxda muslimiinta
11.    Waa dad dulqaad yar aanna u adkaysan karin in la khilaafo ra’yigooda ciddii khilaaftana waxay u arkayaan in ay gaaloobeen waxayna banaysanayaan dhiigooda.
12.    Dad culimaha malahan, Taariikhdana Lama hayo caalim ka mid ah ama Culumada Muslimiinta oo ku biiray.

Gabagabadii Muxaadarada shiikha wuxuu ku soo gabagabeeyay in wax la barto diintana sida ay tahay loogu dhaqmo taasoo looga badbaadi karo khawaarijta iyo wixii la halmaama.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online