Puntland intii ay jirtay maxaa u qabsoomay, maxaase laga gaabiyey

September 4, 2013 - Written by Editor

Maqaal-300x158Leicester:-Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah subxaanalaahu watacaalaa oo fursadan ii siiyay in aan wax ku soo qoro, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Intaas kadib dhammaan akhristayaasha sharafta iyo qadarinta mudanoow iga gudooma salaanta islaamka ah asalaamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaat.

Puntland waxaa la asaasay sanadii markii ay aheyd 1998di. Tan iyo markii la asaasay waxa ay soo martay marxalado kala duwan oo waxaa iskaga danbeeyay maamulo kala duwan. Sideedaba taariikhda macno kale malaha kaliya in laga qaato wanaag iyo xumaan wixii ay laheyd mooyee. Haddaba qofku haddii uusan war u heyn Puntland intaan la asaasin ka hor deegaanadaan taariikhdooda iyo heerkii ay soo mareen, waxa dhaceysa in uu wax baddan ka boodo oo uu isku qaldo wax walba.

Xaqiiqdii markii la asaasay puntland  deegaanadan wax u diyaarsanaa oo agab xafiiseed ah ma jirin, sources kale oo meel u yaalay ma jirin. Dowlad hore iyo dowlad kale oo wax ka qabatay deegaanadaan ma jirin. Xafiis qura oo shaqeynayey ma jirin. Sidaasaa loogu dhabar adeygay oo loo diyaariyay wax walbaa iyadoo laga bilaabay sagcadd ama grass rootka. Haddaba waxaan doonayaa akhristaha sharafta lahoow bal inaad ila wadaagtaa maamuladii isaga danbeeay iyo waxyaalihii ay soo kordhiyeen.

Anigu mar aan sharaxayey puntland iyo heerarkii ay soo martay waxaan ku ma taalay sida { Dhul la baxshay oo u baahan in la dhiso }. Waxaan iri shicibkii Puntland waxaa ay bixiyeen dhulkii si loo dhisto. Allaha u naxariisto Cabdullaahi Yuusuf waxaa uu soo diyaariyey dhagxaantii iyo shamiitadii lagu dhisi lahaa iyo shaqaalihii dhisi lahaa. Jeneraal Cadde Muuse dhiskii ayuu taagay oo dhisay.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroolana wuxuu galiyey daaqadii iyo albaabyadii oo wuuna ranjiyeeyay gurigii, sidoo kalena qalabeeyay xafiisyadii. Haddaba hadda ayeey diyaar u tahay qolyaha danbe in ay halkaas ka anba qaadaan oo wax sii wadaan. Laakiin anigu ma arko in leysku jisaaro oo qolaba qolo baab’iso. Ogoow haddaadan qirin waxqabadkii maamulkii kaa horeeyay adna berito waxaad la kulmaysaa qolyo ku baabi’iya. Waxaan aad ula yaabaa marka uu qof weyn uu fagaaraha lasoo istaago maxaa la qabtay. Qofka noocaas ah waxaan oran lahaa Allaha kusoo hadeeyo oo ku tuso wanaaga iyo sharafta mas’uuliyiinta xilalka inoo haya.

Sidoo kale waxaa muhiim ah in la ogaado in waqti walbaa uu sha’ni gaar ah iska leeyahay. Waxaa lasoo marayaa xilli dagaalo badan, xilli fitno baddan, xilli dhaqaaluhu uu xumaado oo sicir barar badan yimaado, xilli barwaaqo iyo xilli abaarba. Marka mar walboo aad wax taxliilinayso waa inaad ka fiirsataa marxalada markaas la marayo. Sidoo kale markaan tilmaamayo shaqsi waxaan ula jeedaa maamulkiisii iyo xilligii uu talinayey.

Tusaale ahaan haddii madaxweyne X uu soo maray xilli barwaaqo oo dalku uu wax walbaa leeyahay, laakiin madaxweyne Y na uu ku soo beegmo xilli abaar, maaha inaad tiraahdo hebel ayaa hebel ka fiicnaa oo xilligiisii barwaaqo ayeey aheyd. Ogoow abaarta waa rabaani oo qofkan ma keenin, sidoo kale shaqsigan kale barwaaqada isaga ma keenin. Laakiin waxaa muhiim ah inaad miisaanto qofkan markuu barwaaqada heystay side ayuu uga faa’ideystay. Sidoo kale shaqsigan markuu abaarta la kulmay side ayuu u wajahay ama wax uga qabtay.

Haddaba maanta puntland iyadoo laga soo bilaabay eber ama Zero, ayeey maanta waxa ay marysaa ama la tartameysaa dowlado ka jira geeska Afrika qaarkood. Waxa ay heysataa aqoonsi caalami ah, waxaa uu dhaqaalaheedu marayaa heer aad u wanaagsan marka laga eego wixii lagu bilaabay, waxaa ka jira waxbarasho ka tilmaaman soomaaliya oo dhan oo weliba ay ku qaateen abaalmarino, caafimaadka puntland waa heer sare.Burcad badeedi si wanaagsan ayaa loola dagaalamay.Dowladdu wey soo afmeertay dagaaladii iyo dilalkii qorsheysnaa ee had iyo jeer ka dhici jiray magaalooyinka Puntland. Wanaagaas oo dhan waxaa mahadeeda iska leh Allaah subxaanalaahu watacaalaa, kadibna maamuladeenii soo maray dalka.

Haddaba si wanaagaas uu horey noogu sii socdo ayaa waxaa muhiim ah in loo diyaargaroobo doorashooyinka soo socda oo aynu doorano maamul horey inoo wada oo ka shaqeeya iskuduubnida iyo horumarka dalka. Si taas loo helana waxaa muhiim ah in marka hore aynu doorano xildhibaano xalaal quutayaal ah oo ay taydooda iyo wadaniyadoodu sareyso, si ay u doortaan madaxweynihii ummaddan horey u dhaqaajin lahaa.

Waa nasiib daro iyadoo lagu fakarayo in isbadal dhaco, in aynu doorano hogaamiye tayadiisu liidata oo waliba dalka iibsada. Ogow isbadal markaad doonayso waa inaad fiirisaa waxa aad hadda haysato iyo wax aad dooneyso in aad ku badalato. Mar walbaa qiimeyntaadu ha noqoto tayada maamulka iyo dadka ehelka u ah. Wax haku qiimeyn nin jecleysi, nin necbeysi iyo reer hebel miyaa mar walbaa na hor taagnaanaya. Ogoow waxaa jagadan imaanayaa cidii uu Allaah ugu talagalay ee adiga waxaa lagaa rabaa inaad dadaasho oo aad niyaddana hagaajiso.

Qormadeyda waxaan ku soo gabgabeynayaa in uu Allaah talada noogu dhiibo maamul Allaah ka cabsidiisa ay ku weyntahay oo ka shaqeeya horumarka puntland. Waxaan kaloo Allaah aan ka baryeeynaa in haddii uu kheyrka ku jiro in uu maamul cusub yimaado in uu Allaah talada na waafajiyo, sidoo kale haddii uu kheyrka ku jiro in uu maamulkii hore meesha joogana in uu Allaah mar kale noo soo celiyo. Allahayoow soomaali meel ay joogtaba talada wanaagsan waafaji oo Allahayoow maamuladeena xaqa waafaji. Allahayoow Soomaali oo mida mustaqbalka inshaa’allaah.

Wixii aan asiibay waxa ay ka sugnaatay Allaah, wixii aan ku qaldamana waa nafteyda iyo sheydaan.

{NB: – Madaxweyne Maxamed Cabdi Xaashi iyo madaxweyne Jaamac Cali Jaamac  iyagu maadaamaa ay xafiiska joogeen lix bilood iyo wax ka yar ayaanan u xusin ee raali ka ahaada}

Aaamiin Wabilaahi Towfiiq

Cabdixakiim Jaamac Jooje –

Social Development Adviser – Leicester UK

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online