Puntland oo cambaaraysay weerarkii Isqarxinta ee lagu qaaday Madaxweynaha Jubbaland.[War-saxaafadeed]
September 12, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Dowladda Puntland waxay si weyn u cambaaraynaysaa weerarkii isqarxinta ahaa oo lagu qaaday kolonyo gadiid ah oo galbinaysay Madaxweynaha Jubaland Shiikh Axmed Maxamad Islam (Axmed Madobe) isagoo jooga magaalada Kismaayo.Shacabka iyo Dowladda Puntland waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Maamulka iyo Shacabka Reer Jubaland iyo qoysaskii iyo ehelladii dadkii ku waxyeeloobay weerarkaas waxshinimada ahaa oo ay mas’uul ka tahay kooxda argagaxisada ah ee Al Shabaab, waxaana weerar kaasi ku dhintay kuna dhaawacmay askar iyo shacab intaba.
Madaxweynaha Jubaland wuu ka badbaaday weerarkaasi oo ahaa iskuday kale oo lagu waxyeelaynayo degenaan shaha iyo nabad gelyada Soomaaliya,iyadoo la bartilmaameedsanayo madaxda dalka.Himilada Puntland iyo shacabka Soomaaliya waa in laga gudbo caqabadaha hortaagan nabadgelyada dalka Soomaaliya in si loo gaaro nabad waarta,xasilooni iyo horumar.
— DHAMMAAD —