Puntland oo sheegtay in ay qaadaceen Shirka ka furmay magaalada Muqdisho

September 2, 2013 - Written by Editor

plGaroowe:- Dowladda Puntland ayaa maanta waxaa ay si rasmi ah u shaaciyeen in aysan ka qayb geli doonin shir ay Dowllada Federaalka Soomaaliya ku qabanayso magaalada Muqdisho shirkaas oo looga hadlayo arrimo badan oo ku saabsan Soomaaliya. Wasiirka warfaafinta Dowlada Puntland Prof. Axmad Shiikh Jaamac oo shir jaraa’id ku qabtay magalada Garoowe  ayaa sheegay in Puntlland aysan qayb ka ahayn shirk aka dhacay Muqdisho oo shirkaas uu yahay oo kaliya mid ay wado dowladda Federaalka Soomaaliya wixii ka soo baxa oo go’aamana aysan aqbali doonin.

Wasiirka warfaafinta Dowlada Puntland Prof. Axmad Shiikh Jaamac ayaa ku eedeeyey madaxda Dowladda Federaalka in ay xagal daacinayaan nidaamkii Federaalka ee ku qoran Dastuurka Soomaaliya ayna ku hishiiyeen bulshada Soomaaliyeed, Wasiirka ayaa sheegay in shirka ka dhacay Muqdisho uu yahay mid lagu wiiqayo awooda maamulad  Federaalka Soomaaliya  ee dalka ka jira ama dhismi doona.

Dhinac kale Wasiirka maaliyada Puntland Faarax Cali Jaamac  oo isagana ka hadlay shirka jaraa’id ee uu qabtay Wasiirka warfaafinta Dowlada Puntland Prof. Axmad Shiikh Jaamac ayaa sheegay in Puntlland ay xiriirka u jartay dowladda Federaalka Soomaaliya ka dib markii ay hareer mareen Dastuurkii dalka ee Federeaalka ahaa sidaas darteedna shirka ka dhacay Muqdisho aysan qayb ka ahayn Puntland laguna casumin cid u matalaysaana aysa jirin.

Warka ka soo yeeray Puntlland maanta ayaa ku soo beegmaya xili maalmahaan la hadal haye wada hadalo hoose oo u soconaya Dowllada Federaalka Soomaaliya iyo Puntlland arrinkas oo uu ku dhawaaqay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

M_M_Deeq
Halgan.net
.

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online