Qaraxyo caawa ka dhacay degmooyinka Hodan iyo Wadajir ee gobalka Banaadir

September 4, 2013 - Written by Editor

Muqdisho:-War haatan naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weeraro lagu qaaday xarumaha ciidanka DFS ay ku leeyihiin Degmada Hodan waxaana weerarka qaabka uu u dhacay ka soo baxaya warar kala duwan.

Wariyaha Halgan.net ee magaalada Muqdisho oo xiriir kala duwan la sameeyey dadweyne ku dhaqan degmooyinka Hodan iyo Wadajir waxaana ay u sheegeen in ilaa 4 qarax ay ka dhaceen degmooyinka Hodan iyo Wadajir .

Warar hordhac ah oo aan ka helnay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qof ismiidaamiyey uu dilay hal qof oo rayid ah tiro kale oo ka tirsan ciidanka DFS uu soo gaaray dhaawac kala duwan degmada Hodan .

Ilaa haatan ma jirto cid ka tirsan DFS oo ka hadlay qaraxyada ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmooyinka Hodan iyo Wadajir.

Wixii warar ah ee soo kordha kala soco dhawaan Halgan.net.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online