Qaylo dhaantii 2aad Abu Mansuur Al-Amriki iyo Shirqoolka uu u dhigay Godane [Dhageyso]

September 8, 2013 - Written by Editor

abuMuqdisho:-Waxaa Kalimad uu leeyahay Abuu Mansuur Al-Amriki oo lagu faafiyey barta Inter netka ee Rasmi news.com uuna uga hadlayo xaaladiisa iyo dhibaatada uu ku hayo isaga iyo Mujaahidiinta Hogaamiyaha Axmed Cabdi Godane , Abuu Mansuur ayaa waxaa uu ka waramayaa wax dhexmaray isaga iyo Axmed Cabdi Godane , qaabka uu u dhibaateeyey Mujaahidiinta oo uu kula kacay kuwa uu xiro , kuwa la dilo iyo kuwa laga faafiyo been abuuro oo weli lagu raad joogo.

Abu Mansuur Al-Amriki ayaa sheegay in kooxda Axmed Cabdi Godane ay ka faafiyeen been badan oo aan sal lahayn si uu uga aamuso khaladaadka jira , Abu Mansuur Al-Amriki ayaa sheegay in arrimahaas uu kala soo xiriiray Xassaan Xuseen balse uu ka gaabsaday oo uu ku yiri kaliya Allaha kheyr ku siiyo kaliya oo uusan wax ka qaban cabashadiisa ka dibna uu xiriiro la sameeyey Jabhada Al-qaacida ee ka dagaalanta Yemen iyo Jabhada ka dagaalanta Khurasaan.

Abu Mansuur Al-Amriki ayaa sidoo kale sheegay in khilaafka isaga iyo Godane loo bandhigay maxkamada Shareecada ee Al-Shabaab uu madax ka ahaa Abu Zubeyr Al-Muhaajir oo haatan u xiran hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.

Abu Mansuur Al-Amriki ayaa sidoo kale sheegay in lagu tuhmay in uu yahay jaajuus iyo  ,in AMISOM uu ku soo dhaweeyey magaalada Kismaayo isagoo u tacsiyeeyey Murtadiin sidaas darteedna lagu xukumay in uu yahay Murtad!. Waxaa kale oo Ina Godane uu ku eedeeyey Abu Mansuur Al-amriki in uu ku dhacay macaasi iyo in uu ka fariistay Jihaadka
arrimahaas oo uu sheegay in uu yahay been abuur aan waxba ka jirin.

Abu Mansuur Al-Amriki ayaa sidoo kale ka sheekeeyey qaabkii loo soo weeraray xiligii uu ku sugnaa tuulada Raamcadey xili uu fadhiyey maqaaxi ku taal wuxuuna sheegay in raga soo weeraray ay ahaayeen Amniyaadka Al-Shabaab.

Hoos ka Dhagayso Fariintii Abu Mansuur Al-Amriki oo af-Soomaali ah qeybtii koowaad

[audio:https://halgan.net/Mp3/AbuuMansuurAl Imriiki.mp3] ama Halkaan ka dhagayso

Abu Mansuur Al-Amriki ayaa qeylo dhaanta labaad ee lagu faafiyey Rasminews waxaa uu ku faahfaahiyey khilaafka ka dhex aloosan Al-Shabaab iyo shirqoolka ina Godane u dhigay Al-Amriki waxaa taas ka sii yaab badan in uu sheegay in miino ay u dhigeen ciidanka Itoobiya ay Al-Shabaab ka soo saareen

Hoos ka Dhagayso Fariintii Abu Mansuur Al-Amriki oo af-Soomaali ah qeyntii Labaad

[audio:https://halgan.net/Mp3/Al-Amriki_2.mp3] Halkaan ka Dhagayso

 

A/cawaale
Halgan.net
Xuquuqda codka Rasminews

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online