Ra’iisulwasaaraha DFS Saacid Qaraxyada ma hakin doonaan howlaha Qaranka

September 14, 2013 - Written by Editor

saacid1Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa si weyn u cambaaraysay qaxayadii axmaqnimada ahaa ee lala beegsaday kolonyo uu saarnaa Hogaamiyaha Maamulka Juba mudane Sh.Axmed Islaam ( Axmed Madoobe). “Waxaan si aad ah u cambaaraynayaa qaraxyadii waxashnimada ahaa ee lala eegtay koloyo uu saarnaa Hogaamiyaha Maamulka Juba, waa weerar loogu tala galay in lagu gumaado dad aan waxba galabsan, lana doonayey in lagu khal-khal galiyo amaanka iyo xasiloonida gobolka,”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.

“Qaraxyada noocaan ah maahan kuwo ka hor istaagaya dib-u-heshiinta iyo nabad ku soo dabaalida gobolada Jubooyinka, waana qaraxyo aan laga gaarin u jeedkii la lahaa, anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan xukuumadda waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa ehelkii iyo qaraabadii dadkii ku wax yeeloobay qaraxaas, waxaana ilaahay uga baryayaa inuu caafimaad taam ah siiyo dadkii ku dhaawacmaya”

Qaraxan ayaa waxa sheegatay ururka Alshabab, wuxuuna qayb ka ahaa dagaalka ay kula jiraan shacabka Soomaaliyeed, dowladuna waxay dadaal u galaysaa sidii loo xoojin lahaa la dagaalanka kooxaha nabad diidka ah.

Communication Office
Mogadisho-Somalia
Media@opm.gov.so

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online