Ra’iisul Wasaaraha DFS oo la kulmay gudoomiyaha gobolka Istanbul iyo ardayda Soomaaliyeed

September 30, 2013 - Written by Editor

IMG_1089 (2)Istanbul:-Ra’iisul Wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kulamo kula qaatay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Turkiga, jaaliyadda Soomaalida gudoomiyaha gobolka Istanbul  Huseyin Avni Mulu iyo ganacsato u dhashay dalka Turkiga. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xalay kulan dheer la qaatay ardayda Soomaaliyeed ee waxbarshada u jooga dalka Turkiga, waxaana Ra’iisul Wasaaraha DFS uu kula dardaarmay ardaydan in ay ka faa’iidaystaan fursadaha waxbarasho ee dalka Turkiga ay ku haystaan isla markaana ay dhowraan sharafta dalka. Ra’iisul Wasaaruhu waxaa uu ardayda uga warbixiyay xaaladda dalka Soomaaliya iyo waxyaabihii uga qabsoomay socdaalka halkan uu ku joogo, waxaana uu ammaanay doorka dawladda turkiga ee dib u dhiska dalka.

“Waxaan u aqoonsanay 19, August 2011 maalinta xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Turkiga, ardayda waxaa laga doonayaa in ay sanad kasta u dabaal dagaan maalintaasi oo ku beegan markii Ra’iisul Wasaaraha Turkigu uu booqday  dalka Soomaaliya xilli aad loogu baahnaa gurmadka caalamka, sidoo kale waxaa ay miisaaniyad-kabid ku sameeyeen dakhliga dawladda Soomaaliyeed ee shaqada aan ku wadno” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.

no images were found

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon”Saacid” iyo marwadiisa Caasha Xaaji Cilmi ayaa ka qaybgalay casho casharaf ay si wadajir ah ugu sameeyeen magaaladda Stanbul gudoomiya gobolka Stanbul Mudane Huseyin Avni Mutlu iyo marwadiisa Mutlu.

Kulankan oo sidoo kale ay ka qaybgaleen wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa looga hadlay xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii dawladda Turkigu u kordhin lahayd mashaariicda kala duwan ee dalka ay fulinayaan sida amniga, ganacsiga, waxbarshada iyo horumarinta adeegyada bulshada.Gudoomiyaha gobolka Istanbul waxaa uu balan qaaday in kaalin muuqata ay ka qaadan doonaan dib u dhiska magaalada caasimadda ee Muqdisho iyo guud ahaan gobolada Soomaaliya.

Waxaa kaloo uu Ra’iisul Wasaaruhu kulamo la qaatay duqa Stanbul iyo qaar kamid ah ganacsatada dalka Turkiga iyadoo laga dooday iskaashiyo kor loogu qaadayo ganacsiga iyo maalgalinta dalka Soomaaliya oo kasoo kabanaya burburkii ku dhacay 22kii sano ee lasoo dhaafay.

Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda Federalka Soomaaliya
Istanbul – Turkey

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online