Ra’iisul wasaaraha DFS oo lagu soo dhaweeyey magaalada Geneve[Masawiro]

September 23, 2013 - Written by Editor

IMG_0626Geneva:-Ra’isul Wasaaraha DFS Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” iyo wafdigii uu hogaaminayay oo xalay soo gaaray magaaladda Geneve ee dalka Switzerland ayaa ka qayb-galaya shirka kal-fadhiga 3-aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay oo barri ka furmaya xarunta Golaha Xuquuqul Insaanka Q.M ee Genève.

Ra’isul Wasaaraha DFS iyo wafdigiisa waxaa garoonka magaaladda Geneve ee dalkan kusoo dhoweeyay mudane Amadeo Perez oo ah Safiirka Switzerland u fadhiya Xarunta Q.M ee Geneve, Mudane Jean-luc Chopard oo ah madaxa qaybta hab- maamuuska Jam-huuriyadda Geneve ee Switzerland, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Xafiiska Q.M ee Geneve Mudane Yusuf Bari-bari iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka Switzerland.

no images were found

Ra’isul Wasaaraha DFS iyo wafdigiisa waxaa ay maanta kulamo gaar gaar ah oo hor-dhac ah la wadaagayaan mas’uuliyiin iyo qaar kamid ah madaxda ka qayb-galaya kulanka bari ka furmaya Golaha Xuquuqul Insaanka ee Geneve.

Ra’isul Wasaaraha DFS ayaa ka jeedin doona kulanka khud-bad dheer oo ka hadli doonta xaaladda Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya iyo horu-maradda ay dawladdu ku talaabsatay muddada ku dhow sanadka, gaar ahaan dadaalka ay ku bixisay dhowrista xuquuqda haweenka iyo ka hortagga dilalka loo gaysto wariyayaasha iyadoo shirkan ay kasoo qayb-galayaan wakiillada dhamaan dawladaha xubnaha ka ah golahan, hay’ado caalami ah iyo ururada bulshada rayidka ah.

Shirkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid“ uu ku dhawaaqay  August 27-keedii 2013 in ay xukuumaddiisu u aqoonsatay maalinta Xaquuqda Aadanaha ee Soomaaliyeed kadib kulan lagu soo bandhigayay khariiradda geedi socodka xaquuqda Aadanaha, iyadoo kulankaasi uu goob-joog ka ahaa wafdi heer caalami ah oo uu hor-kacayay khabiirka madaxa banaan ee Arrimaha Xaquuqul Insaanka Soomaaliya Dr. Shamsul Bari.

Shirkan waxaa sidoo kale sanadkan kasoo qayb-galaya wakiilka gaarka ah ee Q.M u qaabilsan arimaha Somalia Nicholes Key, Ergeyga Midoowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Saalax Al-Nadiif iyo madax kale.

Ridwaan Xaaji Cabdiwali,

Afhayeenka Xukuumadda Federalka Soomaaliya

<Geneve, Switzerland

Mob. +41779578064

ridwaanhaji@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online