Ra’isul Wasaaraha DFS oo la kulmay Madaxweynaha Dalka Djibouti.[War-saxaafadeed]

September 7, 2013 - Written by Editor

IMG_0251Djbouti:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo maanta Aqalka Madaxtooyadda ee Dalka Djibouti kulan gaar ah kula yeeshay Madaxweynaha Dalka Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geele ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay xiriirka walaaltinimo labada dalka iyo dadaalka uu Madaxweynaha Djibouti ugu jiro daganaanshaha Soomaaliya.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Djibouti waxaa kulankoodan ay uga wada hadleen iskaashiga labada dal ee arimaha Amaanka, Siyaasadda, Ganacsiga iyo Dib-u-dhiska.   iyadoo dhanka kalana Ra’isul wasaaraha Soomaaliya uu ka war bixiyay xaaladda dalka Soomaaliya iyo horumaradda ay Dawladdiisu ku talaabsatay mudadii ay jirtay.

Raisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa uu dalka Djibouti ee aan walaalaha nahay uga mahadceliyay dadaalka aan kala go’a lahayn ee ay ugu jirto sidii Soomaaliya ay uga soo kaban lahyd bur-burkii ku dhacay 22kii sano ee lasoo dhaafay iyo xaqiijinta rajada muuqata ee Soomaaliya.

“Dawladda Djibouti ee aan Walaalaha nahay waxaan uga mahad-celinayaa doorkeeda Soomaaliya iyo sidda ciidanka Djibouti ee Amisom ay horumarradda la taaban karo uga sameeyeen Gobolka Hiiraan, sidoo waxaan ku faraxsanahay in si gaar ah aan isaga kaashanno arimaha Aamaanka, Siyaasadda Ganacsiga iyo Dib-U-dhiska oo aan halkan u joogno” Ayuu yiri Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Madaxweynaha Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geele ayaa ku amaanay Dawladda dadaalka ay ugu jirto bad-baadinta umadda Soomaaliyeed, waxaa kaloo uu madaxweynuhu sheegay in dalkiisu uu sii xoojin doono xiriirka ka dhexeeya iyo gacanta kaga aadan xasiloonidda dalka.

Dhinaca kale Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdigiisa oo ay kamid yihiin Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiiru dawlaha Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga iyo Wasiir ku-xigeenka Khayraadka ayaa kulan ay la yeesheen Ra’isul Wasaaraha dalka Djibouti Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo Wasiirka gaashaandhiga dalka Djibouti Mudane Xasan Dharaar Hufane  waxaa ay uga wada hadleen arimaha amniga iyo qorshaha Dawladda ee xasilinta dalka.

Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda Federalka Somalia
Djibouti, Mob: +25377093297

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online