Rai’sul Wasaaraha Ethiopia oo qaabilay Madaxweynaha Puntland [war.saxaafeed]

September 3, 2013 - Written by Editor

1Rai’sul Wasaaraha dalka Ethiopia Dr. Hailemariam Desalegn ayaa maanta [Sept 3, 2013] ku qaabilay Qasriga Madaxtooyadda dalkaasi Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) iyo Wafdiga Puntland oo uu ka mid yahay Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Cabdullahi Warsame.  Kulankani waxaa looga wada hadlay horumarinta amniga iyo dowladnimada Soomaaliya, arrimaha ku saabsan Dastuurka Federaalka Soomaaliya, iyo xiriirka u dhaxeeya Ethiopia iyo Puntland ee dhanka amniga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Rai’sul Wasaaraha Ethiopia wuxuu hoosta ka xariiqay in Ethiopia iyo dhammaan Dowladaha Urur-Goboleedka IGAD ay taageer san yihiin in dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya lagu saleeyo Dastuurka Federaalka iyo hirgalinta nidaamka Federaal ka, sida dhisida Maamullada Federaaliga ah (States).

Madaxweynaha Puntland ayaa ku ammaanay Dowladda Ethiopia doorkii ay ka ciyaartay heshiiskii magaalada Addis Ababa ku dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubaland Aug. 27, 2013. Madaxweynaha Puntland wuxuu sidoo kale ka hadlay xoojinta xiriirka dhanka amniga iyo isku xirka ganacsiga iyo dhaqaalaha si Mandaqaddu u hormarto.

Wafdiga Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweyne Farole ayaa soo gaaray magaalada Addis Ababa Sept. 2, 2013, iyadoo xalay uu casho sharaf u sameeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Tedros Adhanom.

Communications Office
The Puntland Presidency
Office: +252 907 — 794312 / 794040 / 
794776 / 794597 / 799128

— DHAMMAAD —

 

 

 

 

 

— END —

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online