Rasaas culus oo laga maqlayo Xarunta Westgate Shopping Mal
September 23, 2013 - Written by EditorNairobi:-Wararka saaka naga soogaaraya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in rasaas xooggan laga maqlayaa dabaqa 4aad ee dhismaha Westgate Mall, halkaas oo ay kooxda Al-shabaab dad rayid ah afduub u heystaan. Rasaasta xooggan ayaa waxay bilaabatay ka dib markii ay ciidanka Kenya oo garab ka helaya kuwa reer galbeedka ay soo galeen qeyb ka mid ah dabaqa 4aad . Afhayeen u hadlay ciidanka Milateriga ee dalka Kenya ayaa sheegay in afar ka tirsan ciidamadooda ay ku dhaawacmeen howl galka lagu soo bad baadi nayo la heystayaasha ku sugan dhismaha xarunta ganacsiga ee Westgate Shopping Mal.
Ciidamada Amaanka ee dalka Kenya qeybahooda kala duwan ayaa ku hareereysan dhismaha xarunta ganacsiga ee Westgate Shopping Mal waxaana saaka laga maqlay qarax iyo rasaas xoog badan oo ay is dhaafsanayaan ciidanka Kenya iyo kooxda Al-shabaab ee ku jirta Suuqa Westagte Shopping Mall.
Rag hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraray xarunta Westgate Shopping Mal maalintii Sabtida iyagoo adeeg sanayay bambooyin iyo qoryaha darandooriga u dhaca waxaana ilaa haatan weerarka ku dhintay 69 qof halka ay 175 kale ku dhaawacmeen.
Afhayeenka ciidanka milateriga Kenya, Col. Cyrus Oguna ayaa telefishinka Al Jazeera u sheegay in lagu guuleystay sii deynta la-haystayaal ka badan 1000 qof wilina ay uu socdo howlgalku.
A/Cawale
Halgan.net