Saraakiil ka socda ciidanka AMISOM oo gaaray magaalada Beledweyne
September 14, 2013 - Written by EditorHiiraan:-Saraakiil ka socda ciidamada booliska ee AMISOM ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaana ay kulamo kala duwan la qaateen mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo kan Degmada gobalka Hiiraan. Kulanka dhexmaray saraakiil Boolis ah oo ka tirsan Midowga Afrika iyo saraakiisha ciidamada booliiska maamulka gobalka Hiiraan ayaa waxaa looga hadlay sugida amaanka.
Saraakiisha ciidanka Booliska ee AMISOM ee saaka gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa waxaa hor kacayey Theophilus Senese waxaa la socday 12 sarkaal oo ka soo jeeda wadamada Nigeria. Sierra Leone, Uganda, iyo Chana .
Dhanka kale Taliyaha ciidamada howlgalka ee AMISOM Col. Cismaan Dubbad ayaa sheegay in ay aad u soo dhaweynayaan saraakiisha ka tirsan AMISOM ee soo gaaray magaalada Beledweyne wuxuuna sheegay in ay waxbadan ku soo kordhin doonaan tababarka ciidanka DFS iyo amniga gobalka.
Waxaa sidoo kale kulanka ka hadlay taliyaha ciidanka Booliska DFS ee magaalada Baladweyne Col.Isxaaq Cali Cabdulle wuxuuna uu sheegay in ay soo dhaweynayaan saraakiisha ka socda AMISOM ee soo gaaray magaalada Beledweyne wuxuuna sheegay in ciidamo ka socda Booliska AMISOM la keeni doono Beledweyne .
A/Cawale
Halgan.net