Sh.Bashiir Axmed Salaad oo ka warbixiyey shirka ka socda Muqdisho.[Dhagayso]

September 10, 2013 - Written by Editor

Sheekh Bashiir Ahmed SalaadMuqdisho:-Sh. Bashiir Axmed Salaad oo ka mid ah culimada dalka Soomaaliyeed kuwa ugu waaweyn ahna Guddoomiyaha  Hay’adda Culimada dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa uu ka war bixiyey shirka culimada Soomaaliyeed uga furmay Muqdisho loogana hadlayo Xadgudubka diineed ee ay ku dhaceen ururka Al-shabaab , Shirkaan ayaa waxaa fikrigiisa lahaa culimada Soomaaliyeed iyagoo ku baaqay in shir la qabto ka dib markii ururka Al-shabaab ay ku dileen magaalada Garoowe xili uu ku gudo jiray Salaad casar Rakcadii 3aad Shiikh. Cabdulqaadir Nuur Faarax Allaha u naxariistee.

Sh Bashiir Axmed Salaad ayaa waxaa waraysi gaar ah oo uu siiyey Idaacadda BBC-da ayaa waxaa uu xusay in shirkaan la doonayo in lagu dawaeeyo xadgudubka diineed ee ay ku dhaceen ururka Al-shabaab taas oo laga eegi doono dhinacyo badan sidda dhinac diinta iyo weliba dhinac siyaasada , culimada iyo waxgaradka kale ee ka soo qayb gashay shirka ayaa waxaa uu  Sh Bashiir Axmed Salaad sheegay in ay ka kala yimaadeen gobollad dalka iyo weliba daafaha caalamka.

Hoos ka Dhagayso waraysi Sh Bashiir Axmed Salaad uu siiyey Idaacadda BBC-da laanta Afka-Soomaaliga.

[audio:https://halgan.net/Mp3/waraysishbashiir bbc-da.mp3] ama Halkaan ka dhagayso

Dhinac kale Sh.Bashiir Axmed Salaad ayaa furtitaanka Shirka hadal uu ka jeediyey waxaa uu xusay Ahmiyada uu leeyahay shirka loogana fadhiyo culimada Soomaaliyeed in ay ka soo saaraan go,aan lagu daweynayo xadgudubka diineed si dadka Soomaaliyeed loogu badbaadiyo diintood  oo ah rasumaalkooda rasmiga ah.

Hoos ka Daawo Sh Bashiir Axmed Salaad oo ka warbixiyey Shirka Muqdisho iyo sababah loo qabtay

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online