Shirka Golaha Wasiirada DFS oo diirada lagu saaray amniga baaqna laga soo saaray

September 26, 2013 - Written by Editor

Muqdisho:-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaana shir guddoominayay kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Kheyraadka Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, waxaana kulankan looga dooday qodobo ay ka mid yihiin amniga dalka, gaar ahaana howlgal todobaadkan looga sifeeyey qeybo ka mid ah gobolka Sh/dhexe haraadiga Shabaab.

Shirka golaha ayaa warbixino looga dhegeystay Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo sidoo kale Wasaaradda Gaashaandhigga, waxayna golaha u sharaxeen horumarada dhanka amniga iyo howlgalada looga sifeynayo kooxaha nabadiidka ah ee Shabaab, taasoo howlgalkii ugu dambeeyey looga saaray degaanka Biyo-caddo ee gobolka Sh/dhexe.

Markii uu soo idlaaday kulanka ayaa waxaa saxaafada la hadlay Wasiir kuxigeenka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo gaadiidka Cabdishakuur Cali Mire, wuxuuna xusay in kulankan diirada lagu saaray sidii loo sugi lahaa ammaanka guud ahaan dalka, gaar ahaana caasimadda.

Wasiirka ayaa xusay in goluhu ay soo dhoweeyeen, ammaana u jeediyeen ciidamada xooga kuwaasoo howlgalkoodii ugu dambeeyey uga sifeeyey haraadiga kooxda nabadiidka ah ee Shabaab degaanka Biyo-caddo, wuxuuna xusay in qorshuhu yahay in muddo kooban looga wada saaro degaanada ay weli ku harsan yihiin Shabaab, si looga hortago dhagarta ay ka soo maleegaan goobahaasi.

Wasiirka ayaa xusay in golaha Wasiiradu ay u mahadceliyeen shacabka gobolka Banaadir, sida ay warbixinada caddowga ugu soo gudbinayaan hay’addaha amniga, wuxuuna baaq u jeediyay milkiilayaasha Hoteelada iyo guryaha magaalada Muqdisho, isaga oo ka dalbaday inay si dhow ula shaqeeyaan hay’adda nabad-sugida Qaranka, si loo baajiyo falal lidi ku ah amniga shacabka, oo ay geysan karaan nabadiidku.

Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa ku ammaanay bahda warbaahinta kaalinta ay kaga jiraan soo tabinta dhacdooyinka dalka iyo caalamkaba, balse waxa ay dhaliilo u soo jeediyeen milkiilayaasha iyo Tifatirayaasha idaacaddaha gudaha, kuwaasoo aan xil iska saarin kobcinta amniga iyo horumarka dalka, waxayna ugu baaqeen warbaahinta inay xil gaar ah iska saarto sidii loo sugi lahaa amniga shacabka.

Dhanka kale, golaha Wasiirada ayaa ku ammaanay ciidamada xooga dalka Kenya, howlgalkii Westgate, waxayna mar kale tacsi u direen qoysaska dadkii ku geeriyooday falkaasi argagixiso.

Beesha caalamka waxaan ugu baaqeynaa in dawlada Soomaaliyeed garab lagu siiyo sidii ay uga hortagi laheyd ugana sifeyn laheyd dalka, kooxahaan argagixisada ah ee caadeystay xasuuqa iyo argagixinta, waxaana looga adkaan karaa argagixisada in la xoojiyo hay’addaha amniga ee dawladda Soomaaliyeed” ayuu yiri ugu dambeyntiina Wasiir kuxigeenka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Cabdishakuur Cali Mire.

Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online