Shirkii Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee W/Ameerika oo soo gebagaboobay.[Video]

September 10, 2013 - Written by Editor

10Minneapolis:-Saddex dii bari ee lasoo dhaafay September 6-8, 2013 ayaa shir waxaa uga socday Golaha Imaamayada Soomaali yeed ee Waqooyiga Ameerika Magaalada Minneapolis, gaar ahaan xarunta weyn ee Abuubakar As-Saddique Islamic Center. Shir kaas oo ahaa shirkii 12-aad ee xubnaha shuurada iyo tanfiidka iskugu yimaadaan sanad kasta mar.

The North American Council of Somali Imams, loona soo gaabiyo (NACSI) ayaa ah magaca hay’adan aan macaash raadiska ahayn marka English loo turjumo, NACSI  waa gole ay ku kulan sanyihiin in ka badan 21 Masaajid/Maraakis oo ku yaala dalka Maraykanka dhamaantoodna ay gateen, dhisteen, kiraysteen Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool  Maraykan ka. Maraakistaas ayaa u dhaxeeya qaar ku fadhiya qiimo ahaan inta u dhexaysa $200.000 – $5.000.000 (laba boqol oo kun ilaa shan milyan oo doolar) dhamaantoodna marka la isu geeyo hantida gashay waxaa lagu qiyaasaa in ka badan $60.000.000 (lixdan  Milyan oo doolar).

Shirkaan sanad laha ah ayaa marba diirada saara arrimaha markaas taagan iyo kuwa mustaqbalka dhow soo aadan ee khuseeya ummadaha muslimiinta iyo gaar ahaan mushtamaca Soomaaliyeed  ee ku nool dalka Maraykanka. Sanadkan ayaa shirku  xooga saaray siddii loo balaarin lahaa hay’ada NACSI dhinac kasta oo ay noqoto, haday ahaan lahayd dhinaca shaqaalaha, dhaqaalaha, maraakista cusub ee kusoo biiraya, Siminaarada iyo tababarada uu siinayo imaamyada, maamulayasha maraakista,  macalimiinta dugsiyada iyo waxqabad ka kale eeee xaqiijinaya ahdaafta  Majliska loo agaasimay. Maalinkii Sabtida ahayd intiisii bad naydna waxaa shirku xooga saarayey arimaha horumarinta Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee waqooyiga Ameerika.

Sidoo kale shirku wuxuu xooga saaray sidii Masaajida kale ee aan golahan ku jirin  ay uga mid noqon lahaayeen, gaar ahaan waxaa laga hadlay Masaajida Canada, lana ansixiyey in lagu soo daro golahaan. Maalinkii labaad ee shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay Sheekh. Abdirahman Sh. Cumar oo Soomaaliya kasoo noqday, Sheekh Abdirahman waa gudoomiyaha golaha Shuurada ee NACSI. Sheikh Abdirahmaan ayaa war bixin dheer ka bixiyey safarkiisa uu Soomaaliya kaga soo noqday, isagoo xusay inuu isbadal wayn u dhexeeyo safar kiisaan iyo kii ka horeeyey, dhinaca nabada iyo horumarka ee Magaalada Muqdisho. Sheikha  ayaa ka mid ahaa xubnihii lagu casumay shirkii waxbarasha ee Dowladu Muqdishu ku qabatay, wuxuuna xusay inuu ahaa shir Soomaalidu u madax banaan tahay, ayna gacanta ku hayeen dad aqoon iyo karti u leh howsha waxbarasha .

Shirka ayaa aad looga dareemay Magaalada Minneapolis, maadaama culimo badan ka soo qayb galeen, kuwaas oo nasiib u yeeshay inay Masaajida gobolka Minnesota ka jeediyaan, khudbooyin iyo muxaadaraad is daba joog ah, dadka reer Minnesota ayaa muujiya marka ay arkaan kulamada noocaan oo kale ah farxad iyo soo dhawayn.

Ugu danbayntii  ayaa shirka laga soo saaray baaq loo jeediyey ummada Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan dal iyo dibadba, baaqaas oo ka koobnaa sideed qodob waxaa ku saxiixnaa Sh. Abdirahman Sh. Omar, waxaana goobta ka akhriyey Sh. Yusuf Abdulle oo ah xoghayaha golaha Shuurada ee Majliska. Halkaan ka akhriso Bayaanka ka soo baxay Shirkii Golaha Imaamyadda W/Maraykanka

Hoos ka akhriso nuqulka baaqa.  Xasan Dhooye, Minneapolis, MN

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online