Tartanka Qandaraaska Garoonka Diyaaradda Bosaaso oo lagu dhawaaqay.
September 9, 2013 - Written by EditorBoosaaso:-Waxaa shalay si rasmi ah loogu dhawaaqay tartanka Qandaraaska Garoonka Diyaaradda ee magaalada Bosaaso ee xarunta gobalka Bari. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabisaln qan darasyada “UNOPS”ayaa ku soo daabacaday mareegta ay ku leedahay internetka in Qandaraaska garoonka Diyaaradda ee magaalada Bosaaso la go’aamiyey lana doonayo in Shirakadaha danaynaya dhismaha garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ay ku tartami karaan. Hay’ada UNOPS ayaa shaacisay in laga bilaabo bisha Oct 7, 2013 ilaa dhamaadka bisha Oct ay haystaan shirkadaha doonaya in ay dhisaan garoonka diyaaradaha ee Boosaaso shirkadii ku guulaystana la shaacin doono.
Ku dhawaaqida qandaraskan dhisida garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ayaa waxay guul weyn u tahay dhinac siyaasada Madaxda Puntland oo dhawaan ku tarmami doona doorasho ka dhici doonta Puntlland laguna dooran dooro hogaanka cusub ee Puntlland, arinka Qanadaraaska lagu dhisayo garoonka Boosaaso ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyey dadweynaha iyo wax garadka ku dhaqan deegaanada Puntland. Halkaan ka akhriso qoraalka hay’ada UNOPS ku soo bandhigtey qandaraaskaan.
Qanadaraaska dhismaha Garoomada diyaaradaha ee ku yaal Puntlland ayaa waxaa bixiyey kuna deeqay Dowlada Talyaaniga waxaan la filayaa in dhawaan la bilaabo dhismaha garoomada diyaardaha ee mgaalooyinka Boosaaso ,Garoowe iyo Gaalkacyo .
M_M_Deeq
Halgan.net