Tv-Channel 4 oo diyaariyey warbixin ku saabsan cida fulisay weerarkii West Gate.[Daawo]

September 27, 2013 - Written by Editor

WestgateLondon:-Qoraal lagu soo daabacay  Tv-Channel 4 News   ayaa waxaa lagu sheegay in ninkii hogaaminayey weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee WestGate uu ahaa nin u dhashay dalka Kenya kana mid ahaan jiray ciidanka sidda gaar ah u tababaran(commandos).Ninkaan oo magaciisa lagu sheegay Omar ama Umayr ayaa Islaamay ka dibna waxaa uu ku biiray ururka Al-shabaab isagoo ka noqday Macalin goobaha lagu tababari jiray ciidanka Al-shabaab gaar ahaan  dhinac difaac nafsiga [Marial  Arts].

Omar  ayaa waxaa la sheegay in ay is khilaafeen hogaamiyaha ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane ka dibna isaga iyo kooxda fulisay weerarka xarunta ganacsiga ee magaalada Nairobi ay yimaadeen dalka Kenya si dhuumasho ah. Ninka labaad ee ka qayb qaatey weerarkii ururka Al-shabaab ay ku qaadeen xarunta ganacsiga ee WestGate ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Khadhab oo ka soo yimid Soomaaliya, ninkaan ayaa waxaa uu ka shaqayn jiray Maktaba ku taal  Xaafada Islii ee ay Soomaalidu ku badan tahay.

Khadhab ayaa waxaa lagu xiray Soomaaliya waxaan jir dil u geystay ciidanka CIA ee xarun ku leh gudaha Soomaaliya waxaa mudo yar ka dib laga sii daayey Xabsiga ka dibna waxaa uu ku biiray Ururka Al-shabaab.Dhinaca  kale waxaa  jira  in Ciidanka Booliska ee Caalamka loona yaqaan Interpol ay  ku raad joogaan haweenay u dhalatay dalka Ingriiska  lana amray in la qabto, Haweenaydaan ayaa waxaa lagu eedeeyey in ninkii qabay  uu ahaa ninkii Qarax ka geystay 2005 goobta Trainka uu maro oo ku taal Dalka Ingriiska.

Haweenaydaan ayaa waxaa lagu tuhunsan yahay sidoo kale in ay qayb ka qaadatay weerarkii ururka Al-shabaab ama Al-qaacid ay ka geysteen dalka Kenya gaar ahaan qaraxyo ka dhacay magaalada xeebta ah Mombaza. Halkaan ka akhriso warbixinta Tv-Channel News uu diyaariyey 

Hoos Ka Daawo warbixinta uu ka diyaariyey Tv-Channel 4 News cid fulisay weerarkii WestGate

 A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online