Wafdi uu hogaaminayo Axmed Madoobe oo gaaray Muqdisho (Daawo)

September 7, 2013 - Written by Editor

1Muqdisho:-Wafdi uu horkacayo Madaxweynaha maamulka KMG-ka ah ee Jubba, Sh.Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde wasiirka arimaha gudaha ee DFS.Hogaamiyaha maamulka KMG-ka ah ee Jubba, Shiikh Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa la hadlay warbaahinta waxaana uu sheegay in uu Muqdisho u yimid dhameystirka heshiiskii ay DFS iyo Maamulka Juba ku gaareen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Wasiirka arrimaha gudaha ee DFS C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sidoo kale la hadlay saxaafada waxaana uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yihiin in hogaamiyaha KMG ee Maamulka Juba uu soo gaaro magaalada Muqdisho si loo dhameystiro heshiiskii lagu gaaray dalka Itoobiya.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey ugu baaqay in shirar lagu dhameystirayo heshiiskii ay DFS iyo Maamulka Juba ay ku saxiixdeen magaalada Adis Ababa lagu qaban doono magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo.

Hoos ka Daawo Shirjaraa,id ay Muqdisho ku wada qabteen Muqdisho Ahmed Madoobe iyo Wasiirka Arimaha Gudaha DFS

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online