Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Jubba oo gaaray Kismaayo

September 3, 2013 - Written by Editor

kismaayoKismaayo:-Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Maamulka Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose waxaana socdaalkiisa ku weheliya masuuliin ka tirsan Maamulka Juba .Madaxweynaha Maamulka Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubba iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Maamulka Jubba iyo AMISOM.

Wafdiga madaxweynaha Maamulka Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxaa loo galbiyey xarunta Madaxtooyda ee magaalada Kismaayo waxaana la filayaa in uu la hadli doono dhawaan saxaafadda ka howl gasha magaalada Kismaayo si uu uga warbixiyo heshiiskii ay Maamulka Jubba iyo DFS ku kala saxiixdeen magaalada Adisababa ee xarunta dalka Itoobiya .

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online