Wafdiga Puntland oo booqday Safaarada Djibouti ee Ethiopia[War-saxaafadeed]

September 4, 2013 - Written by Editor

2Garoowe:-Wafdiga Dowladda Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxman Shiikh Maxamad Farole ayaa maanta [Sept 4, 2013] booqday Safaaradda Jamhuuriyadda Djibouti ee dalka Ethiopia Wafdiga Puntland waxaa ka mid ah Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Cabdullahi Warsame, Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen. Cabdullahi Ahmed Jamac (Ilkajir) iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Puntland waxaana booqashada ku wehliyay Wakiilka Puntland ee Ethiopia Mr. Mahad Farax Gaas.

Safiirka Djibouti ee Ethiopia Ambassador Maxamad Idris Farax iyo sarakiil ka tirsan Xoogga Dalka Djibouti ayaa ku qaabilay Wafdiga Puntland xarunta Safaaradda Djibouti oo ku taala bartamaha magaalada Addis Ababa. Wafdiga Puntland ayaa la filayaa inay safar ku gaaraan dalka Djibouti halkasoo ay casuumad rasmi ah ka haystaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Dr Ismaciil Cumar Geelle iyadoo uu Wafdiga Puntland ka qeybgali doono munaasabad balaaran oo lagu qaban doono dalka Djibouti inshallah.

Wafdiga Puntland ayaa kulamo muhiim ah kula yeeshay Beesha Caalamka iyo Dowladda Kenya muddadii ay joogeen magaalada Nairobi wuxuuna Wafdigu soo gaaray magaalada Addis Ababa Sep. 2 iyagoo kulamo muhiim ah la yeeshay madaxda Ethiopia oo uu ka mid tahay Rai’sul Wasaaraha Ethiopia Dr Hailemariam Desalegn iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr Tedros Adhanom.

Communications Office
The Puntland Presidency
Office: +252 907 — 794312 / 794040 /
794776 / 794597 / 799128

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online