War-murtiyeed ka dhan ah Al-shabaab oo laga soo saaray Shirweyne ka socday Muqdisho.[Akhriso]

September 11, 2013 - Written by Editor

DSC074401Muqdisho:-Shirweynaha looga hadlayay xal u helidda mushkiladda xadgudubka diineed oo socday mudo dhan 5 cisho ah ayaan maanta waxaa lagu soo afmeeray magaalada Muqdisho, shirka inta uu socday ayaa waxaa looga hadlay siddii loo daweyn lahaa xadgudubka diineed ee ay ku kaceen ururka Al-shabaab. Shirka ayaa waxaa dhinacayo badan looga dooday sidda ugu sahlan oo xal loogu heli karo xad gudub ka diineed ee ay ku dhaceen ururka Al-shabaab iyadoo culimada Soomaaliyeed ay ku baaqeen qabashada shirkaan ka dib markii ay ururka al-shabaab ay ku dileen magaalada Garoowe xili uu ku guda jira Salaad Casar Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax allaha u naxariistee.

Ergada ka soo qayb gashay shirkaan ayaa kaga dooday shirka qaabka ugu sahlan ee ururka Al-shabaab looga badbaadin karo dhibaatada ba’an ee uu ku hayo bulshada Soomaaliyeed ururka Al-shabaab.

Hoos ka akhriso war-murtiyeedkii laga soo saaray shirweynihii ka dhacay magaalada Muqdisho:-

–    Ujeeddooyinka Shirweynaha:-

1-  In la caddeeyo waxa ay tahay kooxda Alshabaab, ayada oo la adeegsanayo xog wadata tira-koobyo iyo muqaallo marag-ma-doonto ah oo muujinaya dhibaatooyinka ay kooxdu u geysatay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

2-   In la caddeeyo mawqifka shareecada Islaamka ee fekerka, manhajka iyo dhaqanka gurracan ee kooxda Alshabaab.

3-    In si hufan loo cadddeeyo  marin habawsanaanta tiirarka fekradeed ee ay kooxda Alshabaab sheeganayso in ay ku dhisan tahay haddii ay ahaan lahayd diin, siyaasad,…iwm

4- Diyaarinta qorshe guud oo lagula dagaallamayo xag-jirnimada looguna helayo xal waara, waaqici ah, xaaladdana ku habboon.

5- In dhalinta Soomaaliyeed ee ku biiray Alshabaab laga soo badbaadiyo, bulshada Soomaaliyeedna laga badbaadiyo hagardaamooyinka Alshabaab.

Shirweynaha intii uu socday waxaa looga dooday mawaadiic cilmi ah oo la xiriira sababaha keenay xag-jirnimada iyo sida loo daaweyn karo, mawaadiicdaas oo taabanaysay dhinacyada shareecada, amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada iyo warbaahinta noocyadeeda kala duwan. Sidoo kale waxa shirweynaha laga soo jeediyay muxaadarooyin cilmi ah oo la xiriira:-

–  Taariikhda xag-jirnimada guud ahaan, iyo gaar ahaan midda ku habsatay dalkeena.

–  Taariikhda kooxda Alshabaab iyo dhibaatooyinka baaxadda leh ee ay ku hayso ummadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.

–  Masa’alooyinka diimeed ee ay kooxda Alshabaab daliilka kaga dhigtaan kuna bannaystaan dhiigga ummadda iyo burburinta dalka, qallooca ku jira mas’alooyinkaas iyo sidii loo daaweyn lahaa.

–  Mawqifka Shareecada Islaamka ee ku aaddan xiriirka dadka muslimiinta ah iyo kuwa aan muslimiinta ahayn.

–  Mawqifka Shareecadu ka qabto xag-jirnimada iyo dhibaatooyinka ay kooxda Alshabaab ku hayso ummadda Soomaaliyeed.

– Diraasado la xiriira qaababka ay adeegsadeen dalalka muslimiinta ah ee ku guulaystay inay xal u helaan mushkiladda xag-jirnimada.

Shirweynuhu waxa uu isla gartay:-

1-  In culimada Soomaaliyeed ay ku midoobeen la dagaalanka fikirka xag-jirka ah.

2- In dawladdu ay taabo geliso go’aankii uu gaaray barlamaanka Soomaaliya 2009, ee ku aadanaa hirgelinta shaceerada Islaamka.

3- In aanaan sinnaba loogu dulqaadan karin xasuuqa ba’an ee kooxda Alshabaab ay ku hayso ummadda Soomaaliyeed kaasoo uu ugu dambeeyay falkii ka dhacay magaalada Muqdisho 7dii Sebtemabar 2013 oo ku beegnayd maalintii uu Shirweynuhu furmay.

4-  In fekerka kooxda  Alshabaab uu yahay mid aan wax xiriir ah la lahayn fahamka caafimaadka qaba ee diinta Islaamka, balse uu yahay mid ku salaysan damac gurracan oo looga gol leeyahay in lagu gaaro awood maroorsi, keli talisnimo iyo boobka hantida dadweynaha, taasoo ah midda keentay in markii hoggaamiyayaasha Alshabaab uu ku filnaan waayay xasuuqii ay ku hayeen dad weynaha ay iyaga dhexdooda xasuuq isku bilaabeen.

5- In falalka cadawtinnimada ah ee kooxda Alshabaab ay ujeeddadeedu tahay mid la doonayo in lagu dabar- gooyo ummadda, laguna baab’iyo diintooda iyo dhaqankooda suubban, laguna tirtiro jiritaanka iyo qarannimada Soomaaliya.

6- In kooxda Alshabaab ay halis ku tahay in nabad, xasillooni, horumar iyo dawladnimo ka hana-qaadda dalkeena.

7- In kobcinta iyo horumarinta nidaamka dawladnimo uu yahay waddada ugu dhaw oo looga badbaadi karo hagardaamooyinka baaxadda leh ee kooxda Alshabaab ay ku hayso dadka iyo dalka Soomaaliyeed, sidaa darteedna ay waajib tahay in JFS, maamullada kala duwan ee ka jira dalka, iyo ummadda Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwanba ay u midoobaan xoojinta hannaanka dawladnimo.

Fatwada Culimada

 Culimada Soomaaliyeed ee ka qeybgalay Shirweynaha waxa ay fatwo ku bixinayaan:-

1-     Kooxda Alshabaab waa koox baadiyaysan una taagan inay bulshada Soomaaliyeed baadiyayso, manhajka ay faafinayaanna waa mid khatar ku ah, diinta Islaamka iyo jiritaanka bulshada muslimka ah.

2-     Dawladda Soomaaliyeed waa dawlad muslim ah oo aysan banaanayn in la gaalaysiiyo ama lala dagaalamo.

3-     Kooxda xag-jirka ah ee Al-shabaab waxaa ku waajib ah in ay Allaah uga tawbad keenaan fekerkooda qalloocan iyo falal-dembiyeedyadooda foosha xun

4-     Ma bannaana in lagu biiro kooxda Al-shabaab ama loo fidiyo taageero nooceey doonto ha ahaatee.

5-     Waxaa xaaraan ah in la qariyo xubnaha Alshabaab, waana waajib diini ah in xubnaha Al-shabaab loo gacan geliyo hay’adaha ammaanka ee dawladda Soomaaliyeed ee ku shaqada leh.

6-     Waxaa xaaraan ah in laga ergeeyo ama laga shaqeeyo sii deynta eedeysanayaasha Alshabaab ee ku jira gacanta hay’adaha ammaanka ee dawladda.

7-     Waxaa waajib ku ah madaxda dawladda inay shacabka Soomaaliyeed ka badbaadiyaan dhibaatada kooxda Alshabaab, muwaadiniinta Soomaaliyeedna waxaa waajib ku ah in ay dawladda ku gacan siiyaan hawlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab

Talooyinka Shirweynaha

Shirweynuhu waxa uu soo jeedinayaa talooyinka hoos ku xusan:-

–        Amaanka

1-   In la kobciyo aqoonta, xirfadda, akhlaaqda, qaab-dhismeedka, agabka iyo heerka nolosha ee xoogaga dawladda ee ka hawlgala ammaanka.

2-  In la xoojiyo wada shaqeynta xoogagga amaanka iyo dadweynaha, lana hormariyo  guddiyada amni ee heer xaafadeed  iyo degmo, hay’adaha garsoorka ee eegaya dambiyada la xiriira falal dambiyeedka kooxda Alshabaabna ay noqdaan kuwa u diyaarsan una tabo baran dacwooyinka noocaan ah.

3-  In baadiggoobka beesha caalamku ugu jirto gacan ku dhigista xubnaha xag-jirka ah ee dembiga ka galay bulshada, dawladda Soomaaliyeed iyo caalamkaba aysan caqabad ku noqon dib u soo laabashada dhalinyarada Soomaaliyeed ee uu galaaftay fakarka kooxda Alshabaab.

4-  In la Xoojiyo iskaashiga hay’adaha amniga iyo bulashada guud ahaan iyo culumada gaar ahaan si guul looga gaaro daaweynta iyo dabargoynta fekerkan.

5-  In la turxaan bixiyo tabaha, xeeladaha iyo dhaqanka amni sugidda ee dawladda iyo qaabka hay’adaha amnigu u maareeyaan dadka loo soo qabtay dambiyada xag-jirnimada iyo falalka la xiriira.

6-  In dambiilayaasha u xiran falalka xag-jirnimo aanan lagu sii dhex deynin maxaabiista kale, isku meelna aanan lagu hayn si aanay ugu sahlanaanin inay fekradahooda gurracan ay ku dhex faafiyaan maxaabiista kale.

–       Siyaasadda

1-    In JFS ay jeexdo waddo siyaasadeed ee cad oo looga soo kabanayo raadadkii ka dhashay burburkii qarannimada Soomaaliya iyo dagaalladii sokeeye ee abuuray siyaasad marin habawsan oo u goglol xaartay dhalashada iyo baahitaanka cudurro badan oo ay xag-jirnimadu kamid tahay.

2-    In si joogto ah ay dawladda, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo culumadu uga wada shaqeeyaan sidii nabadda loo baahin lahaa dib u heshiisiintana loo xoojin lahaa, cadaaladduna ay markaa u saldhigi lahayd.

3-    In dawladda iyo bulshadu iska kaashaadaan xoojinta nabadaynta iyo iskaashiga qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed ee ku nool deegaamada kala duwan ee dalka iyo dibeddaba.

4-    In la kala saaro fekerka xagjirka ah ee kooxda Alshabaab iyo dadka uu aafeeyay fekerkan: Fikirka waa in lala dagaallamo, dadka uu aafeeyeyna la daweeyaa. Waa in iyadoo dhinac lagala dagaallamayo kuwa aaan rajada lahayn, albaabka wada-hadallada loo furaa kuwooda la marin habaabiyay ama dano gaar ah u galay, waana in loo sameeyo waddo ay kaga soo noqdaan mushkiladda ay ku dhex jiraan.

5-    Dawladda iyo bulshada qeybaheeda kala duwan waa inay u abuuraan dhalinyarada uu fekerkan galaaftay jawi ay dib ugu soo laaban karaan.

6-    In dawladda Soomaaliyeed, bulshada qeybaheeda kala duwan iyo beesha caalamku ay ka wada shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa dib u dhiska dalka iyo ka hortagga faraggelinta  qalloocan ee ka imanaysa dibedda taas oo dhaawacaysa damiirka muwaadinka isla markaana fursad u abuuraysa kooxaha xagjirka ah in ay helaan taageerayaal u adeega fekerkooda.

7-    In laga hortago ku takri falka iyo si xun u adeegsiga awoodda dawladda si looga badbaado iskaashi la’aan ama iska-hor-imaad ka dhex dhaca dawaladda iyo bulshada.

–        Dhaqaalaha

1-  In la xaddido ilaha ay dhaqaalaha ka soo galaan kooxda Alshabab lana sameeyo shuruuc maaliyadeed (financial legislations) oo mamnuucaysa maal-gelinta kooxda Alshabaab.

2- In la abuuro jawi kalsooni  iyo kala dabayn leh oo ay ku wada shaqeyn karaan dawladda iyo ganacsatada, lana dhiso xiriir wanaagsan oo u dhexeeya  hay’adaha amniga iyo ganacsatada.

3-  In la abuuro hay’ad maal galisa dhaqan-celinta iyo tababaridda dhalinyarada ka soo noqota fikirkan xag-jirka ah.

4-   In la sameeyo guddi maamula arrimaha la xiriira daryeelka iyo dhaqan celinta dhalinyarada ka soo laabata xag-jirnimada.

–       Bulshada

1-   In la xoojiyo cadaaladda bulshada dhexdeeda ah taasoo horseed u ah midnimada, wadajirka iyo difaaca qarannimada iyo karaamada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

2-   In xal loo helo mushkiladaha faqriga iyo shaqo la’aanta; dib u dejin, daryeel iyo ilo dhaqaalana loo abuuro qoysaska soo bara-kacay iyo qaxootiga Soomaaliyeed ee duruufta adag ku nool.

3-   In lagu dedaalo midnimada qoyska Soomaaliyeed iyo wadajirkiisa, taas oo sal u ah barbaarinta dhalinyaro ka caafimaad qabta cudurrada bulshada ee ay xag-jirnimadu ugu horeyso.

4-   Daryeelka dhalinyarada iyo u diyaarintooda goobo ay ku gutaan waqtigooda xilliga firaaqada, iyo in dhalinyarada guud ahaan loo abuuro fursado waxbarasho  iyo mid shaqo oo u fududaysa in ay ku noolaadaan nolol sharaf leh oo ku dhiirigelisa ka qeybqaadashada dhismaha dalkooda.

5-   In manhajka waxbarashada ee heerarka kala duwan lagu biiriyo maadooyin diini ah iyo kuwa cilmi ah oo ka badbaadiya da’ yarta inay gacanta u galaan kooxaha xag-jirka ah.

6-   In la kobciyo aqoonta, xirfadda iyo heerka nololeed ee macalimiinta quraanka, ducaadda, khudabadda, iyo culumada duruusta ka bixisa masaajidda si ay u hor istaagaan faafitaanka fekerka xag-jirka ah.

7-   In la hagaajiyo lana xoojiyo hay’adaha garsoorka, muwaadinkuna helo garsoor caadil ah oo uu isku halayn karo taasoo horseedaysa in bulshadu iska kaashato kana hortagto xag-jirnimada, ilaalinta nabadda, xasilloonida, iyo horumarka dalka.

8-   In haweenka Soomaaliyeed oo ah lafdhabarka qoyska, macallinka koowaad, iyo waardiyaha guriga la siiyo xog ku filan iyo dawr muhiim ah oo ay uga qayb qaataan ka hortagga iyo la dagaallanka xag-jirnimada.

9-   Waxaan ugu baaqaynaa dawladda soomaaliya, hay’adaha samo-falka iyo kheyr-doonka Soomaaliyeed iyo kuwa adduunkaba inay taakuleeyaan dhibanayaasha waxyeeladu ka soo gaartay falalka argagixiso ee kooxda Alshabab ka waday gudaha Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay.

–        Warbaahinta

1-  In la  bilaabo olole heer qaran ah oo wacyi gelineed oo ka dhan ah xag-jirnimada iyo si xun u adeegsiga diinta Islaamka, ololahaas oo yeelanaya magac, maamul iyo meel uu ku shaqeeyo.

2-  In culimmada Soomaaliyeed ay warbaahinta ku yeeshaan barnaamijyo joogto ah oo ku  wajahan dhallinyarada, kuna aaddan sixitaanka fahamka qalloocan ee kooxaha xag-jirka ah ay ka qabaan diinta Islaamka.

3-  In dawladda iyo culumadu ka wada shaqeeyaan sidii loo sameyn lahaa bogag barta internetka ah oo lagu wajaho xag-jirnimada iyo qallooca diineed ee ay faafiyaan warbaahinta internetka ee kooxda Alshabaab.

4-  In loo adeegsado qalabka warbaahinta ee kala duwan si qorshaysan oo cilmiyeysan oo ay ku dheehantahay farsamo sare oo tayaysan si looga hortago qalabka warbaahinta ee ay adeesadaan xag-jirku.

5-  Waa in la dejiyo xeerar xakameynaya warbaahinta  fursadda u siinaysa inay baahaan fekradaha xagjirka ah, ama buunbuuninaya dicaayadahooda si ay cabsi gelin iyo argaggax ugu abuuraan bulshada.

6-  In dowladda Soomaaliya abuurto hay’ad heer qaran ah oo ka hawlgasha la dagaallanka fikradaha xagjirka ah, taasoo xarumo ku yeelanaysa gobolada kala duwan ee dalka.

7-  In la horumariyo qaababka ay culumadu u bixiyaan duruusta diiniga ah iyo muxaadaraadka, iyo in mawduucyada ay ka hadlayaan ay diiradda saaraan khatarta xag-jirnimadu ku leedahay dhinacyada kala duwan ee nolosha bulshada.

8-  In dib u eegis lagu sameeyo farriimaha dhanka dacwada ee bulshada loo gudbinayo, lagana fogaado waxyaabaha sii kordhin kara afkaarta khaldan.

9-  In la xoojiyo adegsiga Suugaanta noocyadeeda kala duwan taasoo lagula dagaalamayo fikradaha xag-jirka ah.

Talooyin Guud

1-  In la dhiso guddi ka kooban ka qeybgalayaasha shirka oo kala matalaya dawladda, culumada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada kaasoo dabogal ku samaynaya fulinta talooyinka shirweynaha.

2- In muddo 30 cisho gudaheed lagu soo dhiso hay’ad qaran oo ay iska kaashadaan dawladda, culumada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada taasoo ka hawlgalaysa la dagaalanka fekradaha xagjirka ah.

3- In muddo 90 maalmood gudahood lagu qabto shirweyne ay ka soo qeybgalayaan culimada Soomaaliyeed iyo culimada dunida Islaamka kaasoo ay gacan ka gaysanayso dawladda Soomaaliya.

-Dhammaad-

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online