Waxa aad arkayso waa jacayl!!!.W/Q Sh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur
September 9, 2013 - Written by EditorOraahdaan waa oraah laga soo sheegay Dhidar, Dhidarku waa bahal ariga aad u laaya, tiro ari ah ayuu ku soo baxaa, arigu markuu bahalkaas indhaha ka qaado ayuu didmo dhug yiraahdaa, Dhidarkuna waa cayrsadaa tii uu sii dhaafayaba dharbaaxo ayuu bab kaga siiyaa!!, say biliq bay tiraahdaa oo bakhtidaa!!, waxaa meeshaas ku baxa ari fara badan!!, Dhiadarkuna mid maliya ayuu cunaa!!.
Maalintii dambe ayaa belo waraysatay ma aqaane Dhidarkii la waraystay oo waxaa la yiri war caano beele maad ariga sida u dhaantid!!, oo kolleey mid uun baad ka cunaysaaye maad mid uun dishid!!, anagiina na dhaafisay adna is dhaafisay, Dhidarkii intuu qosol jeegada dhigay ayuu yiri (waxa aad arkaysaan waa jacayl!!, oo anigu ariga waa jeclahay belose waxay ka dbacday mar alla markii uu indhaha I saaro ayuu jaanta rogayaa, aniguna waxaan is iraahdaa ariga isu du!!, saa tii aan gacan taabsiiyaba waa bakhtidaa!!, marka ariga ha loo sheego in uusan iga didin)!!!.
Sheekadaan waxaa I xusuusiyey dilalka iyo qaraxyada is daba joogga ah ee dadka soomaaliyeed lagu xasuuqayo, gaar ahaan qarixii shalay ka dhacay Xamar, oo lagu warjeefay dad shaah iyo cunto u fadhiya iyo qaar kale oo meesha iska marayey, dadkaas la gumaaday waa dad muslimiin ah oo masaakiin war ma qabto ah ahaa, waxaa layaab leh nimanka fuliyey ee misana ku faanay waxay sheegaan muslinkaan difaacaynaa!!, ummadda soomaaliyeed baan khayr la rabnaa!!, gabar muslimad ah baa la kufsaday marka naftayada ayaan u huraynaa!!, haddana waa la dilayaa, la qarxinayaa, si waliba wadar ah ayaa loo laynayaa, markaas ayaa waxaa la oranayaa ninka makhaayadda leh waa jaajuus, oo see u yahay?, Ingiriiska ayuu ka yimid!!.
Gardarrooy dhib baad geysataa, goor iyo ayaane.
Waxaad gooyso mooyee la waa nimaad gargaartaaye.
Gurigii barwaaqaysan baad gubi taqaanaaye.
Gefkii aad samaysaa batiyo godobahaagiiye.
Gashi aan yarayn baad qabtaa jeer lagaa gudo e.
Runtii gardarro iyo aabi ayaa haysta shacabka soomaaliyeed, dil, hanjabaad, qarax iyo silic dilyayn ayaa ka meel wayday, marka waa yaabe goorma ayay garnaqsan doonaan, goorma ayey u caal heli doonaan belada arxan li’ida u laynaysa oo misana oranaysa shacabka soomaaliyeed ee muslinka ah ayaan u dagaallamaynaa!!.
Waxaan is iri mindhaa waagii hore Dhidarkuba waa hadli jiray oo waa kan leh ariga jacayl aan u qabo dartiis ayaan shuf uga dhigay!!, mindhaa kuwaan dadka masaakiinta ah gumaadayaana waa Dhidarro dadka u eg oo iyana muxubbi iyo gacalo darteed inoo gumaadaya!!, bal anigu yaabaye intaad garaad iyo garab daarba isu gaysaan ii fasira oo isu kay waafajiya!!.
W/Q Sh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur