Weerar lagu qaaday Westagate Mall iyo Ururka Al-Shabaab oo sheegtay

September 21, 2013 - Written by Editor

Westgate MallNairobi:-Kooxo ku hubeysan oo aan ilaa haatan la aqoon heybtooda ayaa waxay weerar ku qaadeen gudaha Suuqa caanka ah oo lagu magacaabo Westagate Mall oo ku yaal xaafada Westland ee magaalada Nairobi. Kooxda weerarka ku qaaday suuqa Westagate Mall ayaa waxay ku hubeysnaayeen hubka daraandooriga u dhaca iyo Bambaanooyinka gacanta laga tuuro waxaana weerarka uu sababay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac

Kooxdan hubeysan ayaa rasaas iyo bambaanooyin la beegsaday dadkii ka adeeganayey Westagate Mall waxaana halkaas ku dhintay 26 ruux halka uu dhaawac sii marayo ilaa 56 qof . Goobjooge ku sugnaa Westagate Mall xiligii uu dhacay weerarka ayaa sheegay in kooxda weerarka ku qaaday suuqa ay 3 irid ka soo galeen iyaga raas ooda uga qaadeen shacabkii ka dukaameysanayey suuqa Westagate Mall wuxuuna sheegay in weerarka uu dhacay abaarihii 12kii duhurnimo .

Taliyaha ciidanka booliska Kenya David Kimaiyo ayaa hoggaaminaya howlgalka lagu badbaadinayo dadka ku dhex jira suuqa Westagate Mall ayaa sheegay in ciidanka amniga ee Kenya ay ku hareereysan yihiin suuqa Westagate Mall .Dableyda hubeysan ee weerartay suuqa Westagate Mall ayaa wili ku sugan dhismo ka mid ah suuqa waxaana ay rasaas is weydaarsanayaan ciidanka milatariga oo haatan ku soo biiray howlgalada .

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay weerarka lagu qaaday xarunta Westgate Mall waxaana lagu faafiyey barta Twitterka ay ku leeyihiin kooxda Al-Shabaab waxayna sheegeen in ay weerarka uu jawaab u yahay soo galida ciidanka Kenya gobolada Jubbada Hoose iyo Gedo 21, October 2011 iyo xadgudub ay ka geysteen gobaladaas.

Cabdi yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online