Xaflad lagu soo bandhigay waxqabadka ururka Badbaado oo ka dhacday Boorame.[Masawiro]

September 27, 2013 - Written by Editor

SAM_0379Boorame:-Ururka badbaaddada dhalinyarada ee lagu magacaabo Badbaado ayaa waxaa habeenkii Khamiis uu soo bandhigay waxqabadkii Ururka Badbaado oo ah urur dhalinyaro ah oo ku howlan wacyi gen dhalinyarada iyo k hagida dhinac wanaagsan si dhalinyarad looga fogeeyo akhlaaqda xun.

Xaflada uu ururka Badbaado ku soo bandhigayey waxqabadkiisa ayaa waxaa ka soo qayb galay  culimo’udiin , ganacsato, Qurbo joog, Waaladiin iskugu jira Rag iyo Dumar iyo weliba marti sharaf kale. Furtiaanka Xaflada Ururka Badbaado ayaa waxaa markii ugu horaysay waxaa hadal ka jeediyey gudoomiyaha ururka Badbaad waxaan uu ku dheeraaday waxqabada ururka inta uu jiray iyo u jeedooyinka loo aasaasay.

Xaflada  ayaa waxaa kale oo hadal ka jeediyey una hadlay dhinac culimada  Sh. Xassan Khayre Dirir isagoo ku booriyey bulshada in ay gacan siiyaan ururka Badbaado maadaama ay ka shaqaynayeen kheyrka iyo Dacwada. Sh Xassan Khayre Dirir ayaa waxaa kale oo bulshada uu ku booriyeen in dhalinyarada lagu taageero wixii kheyr ah si jiil soo koraya looga badbaadiyo akhlaaqda xun
ee ka soo horjeeda diinta Islaamka.

no images were found

Dhinac ganacsatada ayaa waxaa iyagan u hadlay Maamulaha Shirkada Telsom C/qaadir Nuur iyo madax xawaalada Amoud Cali Jowhar waxaan ay bulshada ku booriyeen in lagu taageero dhalinyarad kheyrka la iskana kaashado siddii loo fidin lahaa Dacwada Islaamka.

Gabagabadii Xaflada ayaa waxaa ka hadlay Qaari Shiikh Xuseen Nuur Qalinle waxaan uu dhalinyarta kula dardaarmay barshada diinta Islaamka iyo isku kaalmaysiga kheyrka. Shiikh Xuseen Nuur ayaa ku booriyey dhalinyarada in ay la shaqeeyaan Ururka Badbaado.

Ururka Badbaado

Halgan.net, Boorame

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online