Xaflad lagu soo dhaweynayo arday cusub oo bilaabaya Machadka Al-furqaan.[Masawiro]

September 13, 2013 - Written by Editor

DSC09824Buuhoodle:-Waxaa maanta  ka dhacday degmada Buuhoodle ee Gobolka Cayn xaflad lagu soo dhaweynayo ku dhowaad 115 arday oo ku soo biiray waxbarashada Machadka sare ee Al-Furqaan ee magaalada Buuhoodle. Xafladaan ayaa waxaa ka soo qayb galay culimo’ awdiin, Waalidiin, Waxgarad, Aqoon yahano, Macalimiin, Arday iyo dhamaanba qaybaha bulshada ee kala duwan ee ku dhaqan Gobolka Cayn iyagoo soo dhaweeyey Ardayda cusub eek u soo biirtay Machadka Al-furqaan kuna booriyey in ay ka faa’iidaystaan waxbarashada diineed iyo duruusta lagu dhigo Machadka Al-furqaan.

Ugu horayna waxaa halkaa ka hadlay Sh Cumar Sh Cismaan isagoo  xusay in cilmigu uu leeyahay faa’iido badan  loona baahan yahay in la barto cilmiga diiniga ah isagoo dhinacyo badan ka  tusaaleeyey dadkii ka soo qayb galay Xafladan. Waxaa sidoo kale isaguna goobta ka hadlay  Shiikh.Cabdishaafi Axmed Cali oo ah Hormuudka Jaamacadda Bariga Afrika Faraceedda Buuhoodle ahna maamulaha  Machadka Al- furqaan wax uun ka xog waramay Machadka Al-furqaan iyo mar xaladihii uu soo maray mudadii uu jiray tirada ardayda ka Aflaxday culuumta diiniga ah ee uu bixiyo machadkan Alfurqaan.

no images were found

Intaas kadib waxaa Micriphonka qaatay oo goobta ka hadlay marti sharaftii xafladda kasoo qayb gashay oo iskugu jirtay Culimo awdiin, Waalidiin, Waxgarad, Aqoon yahano, Macalimiin, iyo Arday kuwaas oo dhamaantood ay Ardaydan cusub ee bilaabaya waxbarashada dugsiga sare ee Al-furqaan, Iyagoo taabtay qiimaha uu cilmigu leeyahay iyo culays ay leedahay Jaahilnimadu.

Xafladaan lagu soo dhawaynayey ardayda gaadhaysa 115 arday oo bilaabaysa warbarashada sare ee uu bixiyo Machadka diiniga
ee Al-furqaan ayaa dhamaantood waxay ahaayeen Ardaydii ka soo baxday dugsiyada Hoose /Dhexe ee ku yaala magaalada Buuhoodle.  Ardaydaan kusoo biirtay Machadka Al-furqaan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli ay dhamaan ardaygu iska xadirina yaan goobaha waxbarashada ka dib fasax dheer oo laga soo laabtay.

Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online