Xoghayaha arrimaha dibada Xisbul Islaam oo xabsiga laga sii daayey

September 19, 2013 - Written by Editor

maxamedMuqdisho:-Sh Maxamed Macalin oo ah Xoghayaha Arrimaha Dibada ururka Xisbul Islam ayaa xalay laga sii daayey Xabsiga ka dib  markii ay saacado xireen ciidanka nabadsugida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sh.Maxamed Macalin oo la hadlay saxaafada ayaa waxaa uu sheegay in shalay ay ciidanka nabadsugida ay ku xireen  xarunta Xisbiga oo wax yar u jirta  garoonka kubada cagta ee Stadium Muqdisho, Sh Maxamed Macalin ayaa sheegay in ciidanka nabadsugida uu u sharaxay in Xisbigiisa uu nabada qaatay uuna ka shaqaynayo sidaas darteedna uu u hellay xoriyadiisa.

Sh Maxamed Macalin ayaa mar wax laga wiidyey in xubin ka tirsan  Xisbul Islaam oo ahaa Madaxii Shuuracada Sh Ismail Cadow uu la hadlay saxaafad uuna sheegay in xilka laga qaaday aysana jirin wax shir ah oo Xisbul Islaam uga socda Muqdisho, ayaa waxaa uu yiri ”shaqsigaas isagaa duur joog ahaa markii Xisbiga Islaam ay nabadaqaateen uuna ugu yeerayo in uu yimaado shirka Xisbul Islaam ay ku qabanayaan magaalada Muqdisho.

Gudoomiyihii hore ee golaha Shuurada ee Xisbul Islaam Shiikh. Ismaaciil Xaaji ayaa shalay si cad u sheegay  in Shiikh. Maxamed Macalin uusan matalin danaha xisbiga,ka dib markii uu sida uu sheegay ku fashilmay arrimaha xisbiga uuna galay kulamo aysan ka warqabin madaxda Xisbul Islaam.

Sh.Maxamed Macalin iyo Sh. Ismaaciil Xaaji Cadoow ayaa ay codsi u soo jeediyeen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ay ka codsadeen in si dhaqso ah loo soo daayo Gudoomiyihii hore ee ururka Xisbul Islaam Sh Xassan Daahir Aweys oo hadda ku xiran xarunta nabadsugida ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online