Been Abuur laga sameeyey Sh.Maxamed Cabdi Umal Allah dhowree (Daawo)

November 24, 2013 - Written by Editor

Sh UmalNairobi:-Waxaa baryahaan aad ugu soo batay barta Facebook rag caadeystay dhaqana ka dhigtay in ay ku been abuurtaan culumada iyo dadweynaha kale ee Soomaalida iyaga oo ku furta Acount magacyada iyo Masawirada culumada. Been Abuurkii ugu danbeeyey ayaa waxay ka sameeyeen Sheekh Maxamed Cabdi Umal waxaana ay magaciisa iyo Masawirkiisa ku furteen Acount Face Book ah iyaga oo ku qoraya qoraalo iyo Manhaj Takfiiri ah oo uusan shaqo ku lahayn Sheekh Maxamed Cabdi Umal .

Kuwa dhaqanka ka dhigtaý Been Abuurka Culumada ayaa horey ugu fashilmay Mareego ay ka furteen barta Internetka ka dib markii beentoodii ay ogaadeen shacabkii Soomaaliyeed ayaa waxay haatan u wareegeen dhanka Social media (Facebook iyo Twitterka).

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa duruustiisa waxaa lagu faafiyaa Face Book Maktabada Salaf Media oo uu gacanta ku hayo Ustaad C/rashiid waana sidan Face Book Sheekh Maxamed Cabdi Umal waxaa magaca Sheekha lagu furtay ilaa 11 page !

Waxaa sidoo kale been abuur laga sameeyey Sheekh C/risaaq Takar oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed ee ku dhaqan London ka dib markii uu nin magaciisa iyo Masawikiisa Acount ku sameytay kuna tuugsaday isaga oo lacag yabooha dadka weydiisanayey balse la qabtay waxaana ka mid ah qoraalka uu soo dhiga barta Face book Sh C/risaaq Takar.

Digniin & Wargelin Sh C/risaaq Takar.

Dhamaan waxaan ku wargalinayaa walaalaha muslimiinta ah, asxaabtayda iyo qaraabada meelkasta oo ay joogaan, inay ka digtoonaadaan nin tuuga ah oo masawirkayga Face book-ga lacag uga urursanaya iyaga oo sheeganaya in wiil kaxanuunsan lacag loogu diro iyaga oo dadka u sheega inay Sh C/risaaq Takar yihiin.

Hadda walaalayaal ka digtoonaada muslimiintana uga diga. Walaalkiin C/risaaq Takar wax wiil ah oo ka xanuunsan majiro -والحمد- Allah ayaana bini aadam baryadii ka deeqay Sheekh C/risaaq Takar

Waxaa wax lagu qoslo ah in Sheekh Hussein G Adam isagna waxaa Acounkiisa iyo Masawirkisa lagu furtay Face Book waxaana la qabtay ninkii furtay ee tuuga ahaa. Sheekh Hussein G Adam ayaa ka hadlay beenta iyo akhlaaqxumada lagula kacay waxaana uu soo dhigay facebook qoraal digniin ah isaga oo umada uga digay kuwa beenta ka sameeyey iyaga oo isticmaalaya sawirka Sheekha

Waxaa sidoo kale been abuur laga sameeyey Sheekh Maxamuud Shible oo qolo ay magaciisa ku furteen Face book waloow ay ku ceeboobeen markii la kashfiyey qoraalna uu ka soo saaray Sh Maxamuud Shible.Halkan ka eeg Been Abuurkii laga sameeyey Sh Shible

Sheekh Maxamuud Dirir ayaa isaga lagu furtay magaciisa Face Book waxaana ku furtay qolo shiico ah oo gaaleysiinaya saxaabada iyo Umu Muminiin Caaisha allaha ka raali noqdee. Halkan ka eeg Been Abuurkii laga sameeyey Sh Maxamuud Dirir

Dhamaan Umada Soomaaliyeed waxaan uga digeynaa kuwa gaalada u shaqeeya ee magacyada culumada iyo Masawiradooda ku furnaya Face book iyo Twitter si ay u fuliyaan ajandooyinka gaalada oo ah in culumada iyo diinta la waxyeeleeyo qof walba waxaa waajib ku ah in uu faasiqiinta ka difaaco culumada una gargaaro diinta Islaamka .

Hoos ka Daawo Sheekh Umal oo ka hadlay qolyo tuuga ah oo magaciisa ku furta Face Book.

Yaasiin Cabdi Ahmed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online