Abu Safiyyah oo ka tegay Denmark oo ay ciqaab marsiiyeen kooxda Daacish (Daawo)

January 21, 2014 - Written by Editor

Abu SafiyyahArhus:-Mid ka mid ah dhalinyarada in mudaha deganaa Denmark gaar ahaan magaalada Arhus ayaa waxaa uu ka cabanayaa ciqaab iyo xabsi ay u geysteen kooxda Daacish ee dhibaatada badan ka geysatay waqooyiga dalka Suuriya .Abu Safiyyah Al- Yamani ayaa waxaa uu in mud ah deganaa magaalada Arhus ee Denmark waxaana uu ka mid ahaa dhalinyarada la dhacsan Fikirka Takfiiriga ah waxaana Sheekh u ahaa wadaad lagu magacaabo Abu Cabdi Ilaah oo qormooyin ku qori jiray Mareegta uu gacanta ku hayo Abu Maxamed Al-Maqdasi waxaana ay mar magaalada Arhus damceen in ay ka fuliyaan xuduud iyaga oo sheegay in ay Imaara sameyn doonaan.

Abu Safiyyah Al- Yamani iyo Sheekhiisa Abu Cabdi Ilaah ayaa markii danbe isku dhacay ka dib markii xadgudubka diineed ay ku heshiin waayeen .Sheekh Raa,id Al-Xuleyqii oo ka mid ahaa culumada Salafka ee dalka Denmark ayaa in badan nasiixooyin kala duwan siiyey dhalinta isaga oo uga digay xadgudbka diineed in ay marka danbe iyaga dhibaatey doonto.

Abu Safiyyah Al- Yemani ayaa waxaa xabsiga dhigay kooxda dowlada Ciraaq iyo Shaam (Daacish) waxaana uu u xirnaa mudo dhan 70 Maalmood waxaana uu ka sheekeeyey Masaa,ib u ku arkay xabsiga kooxada Daacish mar uu wareysi siiyey Tv Al-Jazeera isaga oo ku sugan dalka Turkiya.

Abu Safiyyah Al- Yamani ayaa sheegay in Jabahada Nusra ay qeyb ka ahayd fadlina ay ku lahayd sii deyntiisa ama baxsadkiisa waxaana uu sheegay in laba dumara ay xabsiga kula jireen .Abu Safiyyah Al- Yamania ayaa ku tilmaamay xabsiga kooxada Daacish xabsi la mid ah xabsiyada Baagram iyo Abu Guraib oo ay ciidanka Mareykanka ku ciqaabi jireen Muslimiinta.

Hogaamiyaha kooxada Daacish ayaa u soo jeediyey xabad joojin kooxaha kale ee Mujaahidiiinta ah isaga oo inkiray in ay dhiig muslin daadiyeen ama dagaal ku iclaamiyeen kooxaha kale taasna waxaa beeninaya waaqica ka jira dalka Suuriya ka dib markii ay laayeen Saraakiishii Jabahada Nusra oo ay ridana ku xukumeen. Kooxaha Jihaadka ka wada Suuriya ayaa shuruud ku xiray baaqa uu soo jeediyey Al-Baqdaadi waxaana ka mid ah .

1-In Daacish ay aqbasho in ay tahay Koox ka mid ah kooxaha Jihaadka ka wada Suuriya ayna joojiso sheegashada Dowladda Islaam ah oo Bayco caam leh.

2-In la joojiyo dagaalka ka dhexsocda kooxaha Suuriya oo dhan.

3-In La sameeyo Maxkamad Sharci ah oo kala saarta kooxaha is haya oo madax banaan waxay go,aamisana la fuliyo.

Abu Safiyyah Al- Yamani ayaa sidoo kale daboolka ka qaaday in xabsiga daacish raga lagu cadaabayey ay ku jireen saraakiil badan oo ikhyaar ah kana tirsanaa kooxaha kale ee Jihaadka ka wada dalka Suuriya.

Hoos ka Daawo Wareysiga Abu Safiyyah Al- Yamani ay la yeelatay Al-Jazeera iyo Dhibaatada uu ka sheegay kooxada Daacish

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online