Abu Xafsa Al-Muritaani oo wareysi siiyey Tv-ga اخبار الآن kana hadlay arrimo Xasaasi ah.[Daawo Video]

January 10, 2014 - Written by Editor

akhbar_bannerWaxaa Tv-ga Al-akhbaar 12 bishii December 2013  uu waraysi gaar ah  la yeeshay Muftigii hore ee ururka Al-Qaacida  Abu Hafsa Al-Muritaani isagoo ka waramay  xaaladihii kala duwan ee uu soo maray Ururka Al-qaacid  ilaa intii la aasaasay. Abu Hafsa Al-Muritaani ayaa waxaa uu sheegay in sababta loo aasaasay ururka Al-qaacid ay ahayd xaalada murugsan ee ay ku sugan yihiin shacabka Muslimiinta ee ku nool dunida daafaheeda si loogu gargaaro.

Abu Hafsa Al-Muritaani ayaa waxaa uu ka sheekeeyey dowrkii weynaa ee ururka Al-qaacid ka soo qaateen dagaalkii Afgaanistaan looga xoreeyey ciidankii Ruushka iyagoo darsi lama ilaawaan ah siiyey ciidankii Ruushka ee xoogga ku qabsaday dalka Afgaanistaan.

Abu Hafsa Al-Muritaani ayaa xusay in marxaladii hore ee ururka Al-qaacid ay ahayd oo kaliya in ciidanka Ruushka laga saaro dalka Afgaanistaan oo ay duulaanka ku qabsadeen si dadka muslinka ah ee ku nool dalka Afhaanistaan looga xoreeyo cadawga ku soo duulay arrinkaas oo ay Muslimiintii ka dagaalamaayey dalka Afgaanistaan iyo ururka Al-qaacid ay dowr shariif ah ka qaateen.

Abu Hafsa Al-Muritaani ayaa sheegay  in markii dalka Afgaanistaan laga xoreeyey ciidankii dalka Ruushka ay ciidamadii Mujaahidiinta ee Afgaanistaan ay dhexdooda ka dagaalameen ka dibna ay go’aansadeen in aysan qayb ka noqon dagaalka waxaan ay u arkayeey in dagaalku in uu yahay mid fidno ah oo u dhexeeya dad muslimiin ah.

Abu Hafsa Al-Muritaani ayaa sheegay in ururka Al-qaacid 1992 ay u soo wareegeen dalka Sudan mudana ay halkaas deganaayeen ilaa laga soo gaaro 1996 oo lagu amray in dalka Sudan uu ka baxo hogaamiyihii ururka Al-qaacid Sh Usama Ibnu Ladin  iyo Abu Hafsa Al-Muritaani iyo raggii kale ee ka tirsanaa ururka Al-qaacid.

Abu Hafsa Al-Muritaani  waxaa uu cadeeyey in xiligii ay ku sugnaayeen dalka Sudan ay wax badan ka qabtaan dhinac horumarinta gaar ahaan dhinac maalgashiga iyo Beeraha madaxda dalkaasna ay raali ka ahayeen ilaa laga soo gaaro 1996.

Abu Hafsa Al-Muritaani ayaa sheegay in khilaafka isaga iyo Sh Usama uu bilaawday 1996 markii dib loogu noqday Afgaanistaan waxaan uu ka xusay khilaafkooda arrimaha hoos ku xusan:-

1.In Sheekh Usma uu Jihaad ku iclaamiyey dalka Maraykanka iyadoo aan la daraasaynin marxalada markaas lagu sugnaa aan loona diyaar garoobin.

2.In Sh Usma Ibnu Ladin uu dhagaha ka furaystay  amaro uu ka bixiyey Amiirkii ururka Dhalibaan Mulla Cumar kuna saabsanaa weerara joogta ahaa ee ururka Al-qaacid ay laga beegsanayey Maraykanka.

3.In ururka A-qaacid iyo In Sh Usma Ibnu Ladin ay Xarakada Dhalibaan  difaacooda ay kuwaayeen rag muhiim u ahaa balse aan arrinkaas la tixgelin loona hogaansamin maadaam Mulla Cumar uu ahaa Amiirka dalka Afgaanistaan waajib sharcigana ay tahay in la adeeco.

4.In ururka Al-qaacid ay tixgelin waayeen xaalada ay ku sugnayd Xarakada Dhalibaan waqtiga ay dagaalka ku iclaamiyeen dowaladda Maraykanka.

5. In ururka Al-qaacid iyo Sh Usma Ibnu Ladin aysan u hogaansamin Fatwooyinka diiniga ah ee ka soo baxayey Lajnadii u qaabilsanayd dhinac Fatwada ee uu madaxda ka ahaa Abu Hafsa Al-Muritaani laguna reebay waxyaabaha qaarkood iyo in wadatashiga Lajnada Sharciga ah aan la tixgelin.

6. In hogaankii ururka Al-qaacid uu ku soo aruuray Sh Usma Ibnu Ladin sidaas darteedna in Majliskii Shuurada ee ururka Al-qaacid uu noqday mid howl gab ah iyo weliba qaybihii kale duwaan ee ururka Al-qaacid hogaankiisa ka mid ahaa.

Mar wax laga weydiiyey xaalada dalka Suuriya ayaa waxaa uu shegay in Reer Shaam ay haysat o dhibaato badan ay ku hayaan dowlada Nuzeyriga iyo kooxaha shiicada wuxuuna kale oo uu sheegay in uusan meesha ka saareyn  in kooxo magac Mujaahidiin wata ay la soo baxaan gaaleysiin iyo dhiig dadka Muslimiinta ah ay fududeystaan.

Mar wax laga weydiiyey Abu Xafsa Al-Muritaani  in uu waano u dirayo Hogaamiyaha ururka Al-qaacid Dr Ayman Al-Dawaahiri  ayaa waxaa uu sheegay in uu alle ka baqo uuna ka hortago xadgudubka diineed  gaar ahaan gaaley siinta dadka muslimiinta ah iyo dhiiga muslimiinta la sahlado isagoo xusay in gafafkaan ay ku dhacaan kooxaha Jihaadiyiinta ah .

Ugu Danbeyntii ayaa waxaa la weydiiyey Abu Xafsa Al-Muritaani inuu waano u dirayo dhalinyarada Muslimiinta ah ee ku nool caalamka Islaamka waxaana uu ku waaniyey in ay alle ka baqaan oo ay ku dhagaan Manhajka Ahlu Suna Waljamaaca ayna ka fogaadaan gaaleysiinta iyo daadinta dhiiga Muslimiinta .

Waxaa kale oo uu Abu Xafsa Al-Muritaani  uu u soo jeediyey Dhalinyarada Jihaadaysa in Jihaadka uu leeyahay Axkaam iyo tiirar uu ku istaago waxaana uu ugu baaqay dhalinyarada in culumada diinta ku xeeldheer iyo fiqiga waaqica ahna kuwa alle ka baqa la maqlo, waxaana uu uga digay dhalinyarada in aysan daba ordin cid kasta oo Jihaad ugu yeerta. Halkaan ka Dhagayso waraysi hore oo uu siiyey Tv- Al-Jazeera.net
Hoos ka Dhagayso waraysiga uu Tv-ga Akhbar siiyey Abu Hafsa Al-Muritaani

ama Halkaan ka eeg

Source Akhbar.alaan.tv
Cabdicasiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online